X

Sacuudiga oo diidey inuu Ruushka ka safto sheegayna

Sacuudiga ayaa markii ugu horeysay isagu cadeeyay mowqifkiisa ku aadan xiisada u dhaxaysa Maraykanka iyo Ruushka ee ku aadan Yukrayn halkaas oo Ruushku ka wado hawlgal kooban laakiin Maraykanku rabo inuu ku dheereeyo.


”Anagu dhinacna lama jirno mana la jiri doono xiisada Yukrayn waanan sii wadaynaa xiriirka ganacsi ee aanu la leenahay wadamada Ruushka iyo Yukrayn ayuu yiri wasiirka dhaqaalaha iyo qorshaynta Faysal Al-Ibrahim.


Warbaahinta Sacuudiga oo si aada u soo qaadata wararka reer galbeedka ayaa loo fasirtey inay si caadiya ugu daba tukanayaan Maraykanka oo ku daba dhuumanaya dalalka kale ee Yurub.


”Cunaqabatayna Maraykanku hogaamiyo waa mid iyaga u gaara oo keligood qaadeen anagana nama quseyso ayuu raaaciyay wasiirku. Hadalka wasiirka ayaa qalbi jab xun ku noqday Maraykanka oo rabay in Carabta kuwa ugu weyni ku daba tukadaan.



Diidmada Sacuudiag ayaa loo arkaa mid la filaayay maadaama wadamada Muslimka ugu waaeyn sida Turkiga iyo Indooniisiya ay diiden inay ka saftaan Ruushka.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.