X

Sucuudiga oo xoolo badan ku soo celiyay dekedda Berbera

Waxa xalay yimi dekedda Berebera markab ay ku jiraan xoolo aad u farabadan oo hore loogu dhoofiyay dalkaasi. Ganacsato badan oo dhoofsaday xoolaha ayaa walaac ka muujiyay xoolo la baaray oo haddana la soo celiyay.


Sucuudiga ayaan sheegin sababta uu xoolahan u soo celiyay iyo inuu mamnuucay xoolaha Somaliya gebi ahaanba. Wasaarada kheyraadka ee dawlada Somaliya ayaa sheegtay inayna ogoyn wax soo kordhey ee ganacsiga xooluhu furan yihiin.


Xoolaha la soo celiyay ayaa dib loo iibinĀ  doona dadka deegaanada Somaliya ayagoo laga siin doono qiimo jaban. Maaha markii ugu horeysay ee Sucuudigu soo celiyo xoolo laga qaaday dekedda Berbera.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.