Kadib markii muddo la warwareegtay oo madaxtooyada Siilaanyo ku riixeen arinta saami qaybsiga dhinaca xisbiyada iyadoo ay dhex dhexaadin ka ahayd hay’ada nabada iyo horumarinta Somaliland ayaa hadda go’aamo laysku raacay.
In saami qaybsiga dib loogu celiyo dhinaca madaxtooyada Siilaanyo isla markaana go’aanka laga soo saaro lagu qanco. In go’aanka kama dambeysa ee kuraasta golaha wakiilada lagu qanco waxa Siilaanyo soo saaro.
In labadaas hay’adood oo aan la garanayn awooda ay leetyihiin ay dusha ka ilaaliyaan fulinta waxa Siilaanyo go’aan ku gaaro.
Si kastaba ha ahaatee reer Awdal oo iyagu diidey in ay ku galaan tirada kursi ee quursiga ah ee hadda Jira lama garan karo in ay ku qanci doonaan haddii beesha dhexe kuraas cusub isku kordhiso.
Maxamed Yuusuf
ARAABINEWS
Wararkii hore
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay