X

Safiiro cusub oo dhiibtey waraaqahooda danjirenimo: SAWIRO

Madaxweynaha Somaliya ayaa waraaqaha danjirenimo ka gudoomey safiiro cusub oo loo soo bedelay dslka xilli ay aad u badanayaan wadamada raba inay qaybtooda ka helaan kgeyraadka dalka er dihan ee aan la taaban.


Danjiraha Ostariya Mudane Kiristiyan Fellner oo Madaxweynaha la wadaagay farriin iyo salaan uu uga siday dhiggiisa dalkaas Ostariya ayaa tilmaamay dadaalka uu ku bixin doono sare u qaadidda xiriirka labada dal, isaga oo dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed uga mahadceliyey soo dhaweynta diiran.


Sidoo kale Danjiraha cusub ee dalka Kanada Marwo Lisa Stadelbauer oo warqadaheeda aqoonsiga u gudbisay Madaxweynaha ayaa sheegtay sida ay ugu faraxsan tahay in ay ka mid noqoto bahda diblumaasiyiinta ka hawlgala dalkeenna.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.