X

Salaad Cali Jeelle oo talo muhiima oo in muddo ahba jirtey oo amniga ah u gudbiyay dawlada Somaliya

Salaad Cali Jeelle oo kamid ah Siyaasiyiinta Soomaaliyeed horeyna usoo noqday Wasiir ku xigeenkii hore ee wasaaradda gaashaandhiga dowladii KMG ahayd, ayaa talo muhiim ah u jeediyay Dowlada Federaalka oo la xariirta sida loo sugi karo amaanka Magaalada Muqdisho.

Siyaasigan ayaa kula taliyay Dowlada in ay sameyso tirakoob guud oo lagu ogaanayo dadka ku dhaqan guryaha ku yaala Magaalada Muqdisho taa uu tilmaamay hadii la sameeyo in ay wax badan ka tari doonto xaalada amaan ee Caasimada.

Waxa uu Sheegay Salaad Cali Jeelle dadka amaan xumada ka wada Muqdisho in aysan ka imaan banaanka ama meel fog balse ay Muqdisho joogaan ayna kasoo dhax abaabulaan qaraxyada iyo weerarada kale ee ka dhaca Magaalada.

”Waxaa Muhiim ah in Dowladu tirakoobto guryaha iyo dadka kunool Muqdisho si loo kala ogaado kuwa sharta wada iyo kuwa kale waxaana muhiim ah in Dowladu sameeyso la socosho cid walba oo magaalada kusoo kororta” Ayuu yiri Salaad Cali Jeelle.

Salaad Cali Jelle ayaa sheegay in argagixisada Shabaab uu xiligan gabalkoodu dhacay weerarada iyo qaraxyada ay geesanayaana ay muujineyso tabardaridooda, waxa uuna intaa raaciyay in ujeedka Kooxdaasi ay tahay in ay dadka qal qal ku beeraan ayna kasoo hanjabaan meelo aad u fog.

Hadalka Siyaasigan ayaa imaanaya xili Magaalada Muqdisho Hotel kuyaala dhawaan Weerar qasaaro xoogan dhaliyay ka fuliyeen dagaalyahano hubeesan oo katirsan argagixisada shabaab.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.