X

Sargaal ka tirsan argagixisada shabaab oo subax walba ku soo toosi jiray in dad muslimiin dilo oo ka qoomameeyay isna…

Marka–Sargaal ka tirsaa kooxda banaysatay dhiiga Muslimiinta ee argagixisada shabaab oo subax walba ku soo toosi jiray xasuuqa muslimiinta ayaa si xun uga qoomameeyay ficiladii iyo xasuuqii uu ka gaystay magaalooyinka Afgooye, Celasha biyaha, Lafoole iyo Baraawe. Wuxuu hadda go,aansaday inuu isa soo dhiibo.

Sargaalkaani oo magaciisa lagu sheegay Maxamed Cali Xasan ayaa sheegay inuu kamid ahaa Sirdoonka Maleeshiyada waxa uuna tilmaamay in dhowr jeer uu ka qeybqaatay weeraro la qorsheynaayay in lagu dilo Guddoomiyaha Gobolka Shabellaha Hoose C/qaadir Maxamed Nuur Siidii.

Sidoo kale waxa uu xusay in ka hor inta uusan soo goosan uu xiriir maalmo badan qaatay la soo sameeyay Maamulka iyo Ciidamada Dawlada ee Gobolka Bakool kadibna ay u suuragashay inuu isu soo dhiibo Ciidamada.

Ninkan ayaa hadda ka sheekeeyay sida uu subax kasta u so toosi jiray in uu gaysto xasuuq ka dhana muslimiinta ama ugu yaraan miino ugu aaso suuqyada magaalooyinka si dad badan u dhintaan, wuxuuna sheegay in uu cafis waydiisanayo dadkii uu xasuuqey waalidkooda oo tiradoodu badneyd.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.