X

Saylici oo yasay kacdooka reer Awdal iyo Khaatumo kuna tilmaamay mid shaqsiyaad: Saylici ayaa dalxiisaya USA+MAQAL

Washington–Ku xigeenka Siilaanyo C/raxmaan Saylici oo dalxiis u jooga Maraykanka sheegayna inuu afar gobol mari doono ayaa suaalo lagu garaacay aan midna sida ugu haboon uga jawaabin. Waxa kale oo uu sheegay in Siilaanyo kuraas la siiyay kooxihii rabey ee reer Awdal taasna wax laga qabtey tabashadoodii. Dhinaca kale iyadoo lo sheegay in Khaatumo haysato dhul weyn ayuu ku yasay in ay yihiin dibed wareeg.

Saylici ayaan intabdan war u haynin waxa ka dhacaya gobolkiisa waxana isaga kala weyn dalxiiska uu u tago labada wadan ee Ingiriiska iyo Maraykanka.

Mar wax laga waydiiyay fashilkii ku yimi wadahadalkii Siilaanyo iyo Xasan ayuu kaga jawaabay in ay gooni goosad danaynayaan. Miisaaniyada gobolada Woqooyi ayaa inta badan waxay ku baxdaa Siilaanyo, Saylici oo 20,000 oo doolar isku qaata taas oo u saamaxdey inuu dalxiiso halka kuwii cadceeda ugu soo baxay si ay u doortaan aanu dib ugu noqon laakiin wali jufo ahaan ay daacad ugu yihiin.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.