November 20, 2025

ARAABINEWS.COM

News and entertainment

Saldhiga Carabtu ka dhisanayso Berbera oo weerar lagu qaaday iyo cida gaysatey

Saldhiga Carabtu ka dhisanayso Berbera ayaa weerar lagu qaaday ayadoo hawsha halkaasi ka socoto. Dadka weerarka gaystey ayaa la sheegayaa in qaarna baxsadeen qaarna la qabtey.



Ragga weerarka gaystey ayaa ka koobnaa 11 waxana wararku sheegayaan in 8 la qabtey halka sadex ghoobta ka baxsadeen. Ciidanka RRU oo Imaaraadku bixiyo qayb ka mida lacagta lagu ilaalinayo ayaa hawsha fuliyay.

Ku darsoo dhulkan saldhiga milateri dhismahiisu ka socdo ayaa lagu sheegay cabir ahaan 400Mitir oo isku-wareeg ah ama (400MX400M) Balse qeyb ahaan dhulkan oo uu lahaa Ganacsade Muuse Dalab ayaa loo siiyey Lacag & Dhul bedel laysu raaciyey.



Halka sadexdan Ganacsade ee hadda Gacanta lagu hayo lagu yidhi afka laydha ka qarsada taas oo ku keliftay inay maleeshiyo Beeleed hubaysan geliyaan saldhiga laftiisa.

Lama garan karo inuu kacdoon bilowdey lagu diidan yahay saldhigan iyo in dadkan laga boobey dhulkooda ay isa soo abaabuleen.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS