Monday, May 20th, 2024
header










Meta







Samaroonka Ingiriiska oo isku diyaarinaya in ay shir deg dega isugu yimaadaan iyo sababta

Wararka laga helayo caasimada Ingiriiska ee London ayaa sheegaya in Samaroonka degan halkaasi ay isku diyaarinayaan in ay yeeshaan shir deg dega.

Wararka shirkan ayaa imanaya iyadoo siyaasiyiinta uu horkacayo Muuse Biixi iyo xer ku wareegsan ay u tafaxayteen in ay diiwaangelin dib uga qalqaaliyaan deegaanada beeshiisu daldashey ee hoostaga degmada Lughaya.

Beesha Samaroon ee degan deegaanada la daldalay ayaa iyagu wacad ku maray in aan deegaanadooda dib uga dhicin diiwaangelin cusub oo aan ka ahayn tii ay hore u galeen xili waliba aad u adkaa oo dadkooduna liiteen.

Cuqaasha deegaanadaas oo dhowr jeer saxaafada la hadlay ayaa ku celceliyay haddii deegaanadaasi faraha lala soo galo oo laysku dayo in laga diiwaangeliyo dad aan u dhalan deegaanka ay dagaal ka xigaan, wixii ka dhacana ay ka masuul yihiin maamulka Siilaanyo.

Waxa dhinaca jirey wasiiro ka soo jeeda beesha Samaroon ee deegaankaasi oo Hargeysa laga soo direy si ay u kala jabiyaan dadka deegaanka laakiin guuldaro kala soo noqdey iyadoo xataa laga cuney lacagtii ay wateen.

Caaqil ka mida dadka deegaanka ayaa isagu saxaafada u sheegay in laysku dayay in jufo hoose loo arko laakiin uu ka diidey, wixii ay wateen oo ahaa in uu aqbalo in diiwaangelin cusubi ka dhacdo.

Wararka aan ka helayno Ingiriiska ayaa noo sheegaya in Samaroonka halkaasi degan oo qadiyadan ka mideysan ay qaban qaabinayaan shir deg dega oo ay ku taageeraan cuqaasha iyo waxgaradka deegaanadaas.

Waxa dad badan is waydiinayaan waxa keenay hadda oo la galay diiwaangelin dadka reer Awdalna aqbaleen in ay diiwaangelintaas galaan hadana maamulka Siilaanyo yiraa ”hadaan dib u furaynaa LIXDA GOOBOOD”

Ooo aad iswaydiin karto suaasha ah ”YAY U XIRNAAYEEN markii hore” haddii markii la doonana la furayo markii la rabana la xirayo.

Rashiid Ceelaanyo wararka Yurub

ARAABINEWS

 

Readers Comments (0)

Comments are closed.

Wararka xiga

Iiraan oo gaartay lix guul oo horleh weerarkii Yuhuuda

April, 16, 2024
Weerarkii Iiraan ay ku qaaday Yuhuuda ayadoo la ...

Yuhuuda oo qiratay in saldhig milatari iyo gego diyaaradeedba ku daayeen

April, 14, 2024
Weerarki xalay ee Iiraan ku qaaday Yuhuuda oo ...

Maraykanku ma ku dhacaa inuu weeraro Iiraan kadib weerarkii Yuhuuda?

April, 14, 2024
Iiraan ayaa hurdada u diiday Yuhuuda iyo kooxda ...

Wadamada Kuwayd, Qadar oo Maraykanka u diiday

April, 13, 2024
Wadamada Kuwayd iyo Qadar ayaa Maryaykanka u diiday ...

Iiraan oo maskaxiyan u dishay Yuhuuda xilli ayna far

April, 13, 2024
Iiraan ayaa wacad ku martay inay ka aargoosato ...

Dhacdooyinka

Sucuudiga oo safar raali gelina ugu tagay dabadhilifka Yukrayn

February, 26, 2023
Ayadoo madax ka tirsan Sacuudiga ayna weligood booqan ...

Dhulbahante oo ugu dambeyn ku heshiiyay inay is xoreeyaan

December, 31, 2022
Dhulbahante oo caadiyan ka kala adeegta maamul jufeedyada ...

Imaaraadka oo qirtey inay dhaceen maamulka Somalilaan

December, 29, 2022
Itoobiya ayaa iyadu ka baxday saami uu Tigreegii ...

Nin gabdhaha daroogeeya kadibna muuqaal ka duubta oo la qabtey

November, 20, 2022
Muqdisho caasimadii hore ee dalka ayaa noqotey bahalo ...

Ruushka iyo Shiinaha oo noqday saaxiibka keliya ee Somaliya

November, 20, 2022
Kooxda Xalane ayaa markale Somaliya ku giijisay cunaqabataynta ...

Qadar oo koobka adduunka ka faaiidey dad badan oo diinta qaatay

November, 20, 2022
Waxa furmay koobkii kubadda cagta adduunka waxana guuldaro ...

Madaxweynaha FIFA oo reer galbeedka ku tuntey

November, 20, 2022
Ayadoo maanta ay bilaabmayso koobka kubadda cagta aduunka ...