X

Sarkaal sare oo ka tirsan argagixisada shabaab oo isa soo dhiibey iyo Muqdisho oo lagu soo wado: Warbixin

Gedo 27 Dec 2014–Sarkaal sare oo ka tirsan argagixisada shabaab laguna magacaabo Sakariye Ismaaciil ayaa isku soo dhiibey ciidamada dawlada ee gobolka Gedo waxana lagu soo wadaa Muqdisho. Sarkaalkan ayaa baxsad ahaa baryahan kadib geeridii Axmed Godane wuxuuna u qaabilsanaa dhinaca sirdoonka argagixisada waqtigeedii dhacay ee shabaab.

Afhayeen u hadlay ciidanka dawlada gobolka Gedo ayaa sheegay in ninkani ku dhuumanayay baryahanba guri ku yaal tuulada Ceelwaaq markii guriga loogu tageyna inkastoo uu haystay bastoolada hadana ma dagaalamin.

Ninkan ayaa ka mid ahaa kuwa ugu xun u xasuqay Somalida iyagoo wajiga duuban waase isqarin waayay maadaama lawada yaqaano. Dhinaca kale warar ayaa sheegaya in Kiiniya codsatay laakiin ay diideen ciidamada dawlada.

Kooxda argagixisada shabaab oo war ka soo saartay Sakariye Ismaaciil ayaa sheegtay in uu marhore ka goostay ninkani oo baryahanba ku sugnaa goobaha dawladu gacanta ku hayso. Maraykanka ayaa dul dhigey lacago cidii soo sheegta sida lagu qabanayo.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.