X

Sacuudiga oo qaad ku qabtey xadka Yaman iyo gantaalo lagu garaacay

Askarta xuduuda dalkasi Sacuudiga ayaa sheegay inay qabteen 450kg oo qaada oo ayna wadin Somali laakiin ay wadeen Yamaniyiin soo gelinaayay Sacuudiga. Waxa kaloo la qabtey mukhaadaraad kale sida ay sheegeen waaxda cashuuraha.

Qaadka ayaa si qarsoodiya ku gala Sacuudiga halkaasi oo Somalida iyo Yamanudu ku cunaan. Dhinaca kale ciidanka Yaman ayaa gantaalo ku garaacay goobaha ay joogaan ciidanka Sacuudiga iyo kuwa Maraykanka.

Sacuudiga ayaa sheegay in gantaaladaas ay waxyeelo ka soo gaartey mase faahfaahin wuxuuna intaas ku daray in la soo ridey qaar badan.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.