Nin ku nool magaalada Los Angeles ee dalka Mareykanka kaas oo ka shaqeeya San Francisco ayaa lixda saacadood ee safarkiisa shaqada ku qaata duullimaad diyaarad.
Maalin walba, Curt von Badinski, oo ah injineer makaanik iyo isku dubba-ridaha shirkad tiknooloji oo xarunteedu tahay San Francisco, wuxuu kacaa aroor kasta – mayrasho iyo cunno kadib, wuxuu ku dhacaa gaarigiisa oo ilaa 15 daqiiqo ku geeya gegida diyaaradaha ee Bob Hope Burnbank, halkaas oo uu ka qaato diyaaraddiisa shaqsiga. Wuxuu 90 daqiiqo ku gaaraa Oakland oo ah magaalo 353 mile waqooyi-galbeed kaga beegan Los Angeles; kadibna wuxuu gaari geeya San Francisco
Curt von Badinski ma ahan qofka kaliya ee dunida ku nool kaas oo maalinle ugu kicitima shaqadiisa. Sanadkii hore, Frantisek Hadrava, oo ah 46-jir ku nool Czech Republic ayaa kadib ku daalista socdaalka dhulka, wuxuu samaystay diyaaraddiisa gaarka ah. Wuxuu safarkiisa qaadan jiray 12-14 daqiiqo kusoo dhimay 4-5 daqiiqo.
Rashiid Ceelaanyo
ARAABINEWS