November 19, 2025

ARAABINEWS.COM

News and entertainment

SAWIRO: darbiyada xaafado ka mida Garoowe iyo Boosaaso oo lagu muujiyay qoraal siyaasadeed

Shacabka ku nool magaalooyinka Garoowe iyo Boosaaso, ayaa bilaabay in gidaarada ay ku muujiyaan dareenkooda ku aadan diidmada nidaamka 4.5.

Shacabka oo goor sii horeysay warbaahinada ka sheegay in marnaba aysan aqbali doonin 4.5, ayaa iminka bilaabay in dareenkooda ay maamulka ugu muujiyaan gidaarada guryaha iyo goobaha ganacsiga xili magaalada Garoowe uu ku sugan yahay Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia iyo xubno ka tirsan IGAD.

Calaamadahaani 4.5-ka ah, ayaa waxa ay iminka kusoo badanayaan darbiyada caasimadda Puntland ee Garoowe, waxaana diidmadaan qaba guud ahaanba Bulsha waynta Reer Puntland kuwaas oo horay usoo jeediyay in doorashada Soomaaliya laga dhigo mid ku alaysan hab deegaan.

Qaar kamid ah goobaha uu booqday Ra’isul wasaaraha ayaa lagu arkay calaamadaha 4.5 ee darbiyada lagu buufiyay, waxa ayna taasi fajac galisay Sharmaarke.

4.5 1

4.5 2

4.5 3

4.5 4

4.5 5

4.5 6

4.5 7