Monday, May 20th, 2024
header










Meta







Xabsiga dhexe ee Xamar oo isbedelo aan la fileyn u sameeyey maxaabiista ku jirta: SAWIRO

Xabsiga Dhexe ee xamar ayaa laga dareemayaa isbedelo ku aadan qalabeynta qolalka Xabsiga ee Maxaabiista ay ku xiran yihiin, xilli muddooyinkii u dambeeyay Maxaabiista Xabsiga ku xiran ay ahaayeen kuwa aanan nolol wanaagsan xabsiga ku haysan.

Taliyaha Ciidamada Asluubta Somaliyed Bashiir Maxamed Jaamac (Bashiir Goobe) ayaa dadaal badan ku bixiyay sidii xabsiga looga hirgelin lahaa isbedelo kala duwan, iyadoo Xabsiga Dhexdiisa laga furay Iskuulo maxaabiista ay wax ku bartaan.

Sidoo kale Isbedeladii ugu dambeeyay ee xabsiga lagu sameeyay ayaa ah in Shaashadaha Tv-ga lagu xiray qolalka ay ku xiran yihiin Maxaabiista, waxaana Maxaabiista ay Tv-ga ka daawanayaan Ciyaaraha iyo Wararka.

Taliyaha Ciidanka Asluubta Somaliyed Bashiir Maxamed Jaamac (Bashiir Goobe) ayaa sheegay tani inay qayb ka tahay isbedelada kala duwan ee xabsiga lagu horumarinaayo si loo dhiso Mooraalka Maxaabiista Xabsiga ku xiran.

Dhalinyarada Xabsiga Dhexe ku xiran, inkastoo kiisas kala duwan ay u xiran yihiin, ayaa hadana waxa ay yihiin kuwa hada qaarkood ku qanacsan ku xirnaanshaha xabsiga, kadib markii ay heleen Sariiro fiican oo ay ku seexdaan iyo sidoo kale Tv-yo ay ka daawadaan Ciyaaraha.

Niyad Dhiska Taliyaha ciidamada Asluubta uu u sameeyo Maxaabiista ayaa sidoo kale waxaa qayb ka ah in xilliyada qaar uu Maxaabiista la cuno raashinka ay cunaan si dhiiragelin uu Maxaabiista ugu sameeyo.

Xabsiga-1 Xabsiga-2 Xabsiga-3 Xabsiga-4 Xabsiga-5 Xabsiga-6

Xabsiga-5[1]

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

Readers Comments (0)

Comments are closed.

Wararka xiga

Iiraan oo gaartay lix guul oo horleh weerarkii Yuhuuda

April, 16, 2024
Weerarkii Iiraan ay ku qaaday Yuhuuda ayadoo la ...

Yuhuuda oo qiratay in saldhig milatari iyo gego diyaaradeedba ku daayeen

April, 14, 2024
Weerarki xalay ee Iiraan ku qaaday Yuhuuda oo ...

Maraykanku ma ku dhacaa inuu weeraro Iiraan kadib weerarkii Yuhuuda?

April, 14, 2024
Iiraan ayaa hurdada u diiday Yuhuuda iyo kooxda ...

Wadamada Kuwayd, Qadar oo Maraykanka u diiday

April, 13, 2024
Wadamada Kuwayd iyo Qadar ayaa Maryaykanka u diiday ...

Iiraan oo maskaxiyan u dishay Yuhuuda xilli ayna far

April, 13, 2024
Iiraan ayaa wacad ku martay inay ka aargoosato ...

Dhacdooyinka

Sucuudiga oo safar raali gelina ugu tagay dabadhilifka Yukrayn

February, 26, 2023
Ayadoo madax ka tirsan Sacuudiga ayna weligood booqan ...

Dhulbahante oo ugu dambeyn ku heshiiyay inay is xoreeyaan

December, 31, 2022
Dhulbahante oo caadiyan ka kala adeegta maamul jufeedyada ...

Imaaraadka oo qirtey inay dhaceen maamulka Somalilaan

December, 29, 2022
Itoobiya ayaa iyadu ka baxday saami uu Tigreegii ...

Nin gabdhaha daroogeeya kadibna muuqaal ka duubta oo la qabtey

November, 20, 2022
Muqdisho caasimadii hore ee dalka ayaa noqotey bahalo ...

Ruushka iyo Shiinaha oo noqday saaxiibka keliya ee Somaliya

November, 20, 2022
Kooxda Xalane ayaa markale Somaliya ku giijisay cunaqabataynta ...

Qadar oo koobka adduunka ka faaiidey dad badan oo diinta qaatay

November, 20, 2022
Waxa furmay koobkii kubadda cagta adduunka waxana guuldaro ...

Madaxweynaha FIFA oo reer galbeedka ku tuntey

November, 20, 2022
Ayadoo maanta ay bilaabmayso koobka kubadda cagta aduunka ...