Waxa xilka qaranka lagu wareejay madaxweyne Farmaajo isagoo xilka ka tirsaday madaxweynihii hore Xasan Sheekh. Argagixisada shabaab ayaa madaafiic ku soo dhaweysay madaxweynaha ummadu ka sugeyso horumarka.
Cadowga ummada Somaliyeed ayaa dhowr hoobiye soo tuurey waxayna goobta ku dileen laba caruura oo walaalo ah.
Madaxweyne Farmaajo oo ka hadlayay xafladii uu xilka kula wareegay ayuu sheegay madaxweyne Farmaajo in dowladiisu ay tahay dowladii Shacabka, isla markaana u baahan yahay in lala shaqeeyo.
Wuxuu sheegay inuu ka codsanayo shacabka bixinta cashuurta iyo inay gacan ka geystaan arrimaha ammaanka, labadaas qodob oo ahayd kuwii ugu horeeyay ee Madaxweynaha cusub uu baaq codsi ahaan u soo jeediyay.
Madaxweyne Farmaajo oo ay maanta u bilaabatay inuu ka arrimiyo xarunta looga taliyo dalka ee Villa Somalia ayaa dadka Soomaaliyeed ugu duceeyay inuu abaarta ka dul qaado.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS












Wararkii hore
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay