X

Yuhuuda oo ku biirtey duqaymaha ka dhanka ah Yaman iyo Carabtii oo xulafo ciidan u samaystay Yaman

Sanca–Xulafada Yuhuuda, Maraykanka iyo Sucuudiga ayaa weerar ku qaaday dagalyahaniinta Xuutiyiinta oo ku sii siqaya caasimada gooni goosadka ee Cadan. Yuhuuda ayaa si toosa ugu biirtey duqeynta ka dhanka ah Muslimiinta reer Yaman. Dagaalka cirka ayaa waxa inta badan toosinaya dawlada Maraykanka oo iyada hogaaminaysa goobaha la duqeynayo.

Dhinaca kale carabtii ku shireysay magaalada Sharm Shaykh ayaa ku heshiiyay in ay samaystaan ciidan ka dhana Yaman halkii ay ciidankaa ku jeedin lahaayeen Yuhuuda haysata dhul caraba.

Warbaahinta Israel ayaa waxay baahisay in Dawladda Israel ay qaadatay go’aanka ah inay ka qayb qaadato, duqeymaha dhinaca cirka ee lagu wiiqayo awooda Yaman oo uu u baahan doono madaxweynaha dambe.

Diyaaradaha Militariga Israel, ayaan si rasmi ah loo xaqiijin inay bilaabeen duqeymaha ka dhanka ah Xuuthiyiinta iyo in kale.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.