31/12/2025

ARAABINEWS.COM

War la hubo iyo Madadaalo

Seefta Maxamuud Xaashi oo qaadaysa wasiiro reer Awdala ee maamulka Somaliland

Gacanyaraha Siilaanyo Maxamuud Xaashi oo isagu kala wada hawlaha maamulka Siilaanyo oo ay weheliso Aamina Waris ayaa diyaariyay isku shaandheyntii ugu dambeysay.

Wararka laga helayo xarunta maamulka ee magaalada Hargeysa ayaa sheegaya in seeftu qaadayso wasiiro aan dhaafin aqalka Siilaanyo halkii ay xisbiga ku taageeri lahaayeen in dib loo soo doorto.



Wasiirada xogtu sheegayso in seeftu qaadayso ayaa waxa ugu horeeya wasiirka waxbarashada C/llaahi Dheere, kan warfaafinta Cadaani, kan boosaha iyo isgaarsiinta.

Isku shaandheynta ayaa inta badan lagu raadiyaa in qabiilo taageero looga helo.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS