Sidee madaxweyne Farmaajo loogu soo dhaweeyay dalkaasi Qadar oo tartan kula jira Imaaraadka. Madaxda Turkiga iyo Qadar ayaa wada urur diimeedka akhwaan Muslimiin ee ka dagaalama Siiriya. Madaxweynaha ayaa sheegay in uu casuumad ka helay Qadar oo si toosa faraha ugula jirta urur diimeedyada ka jira Koofurta Somaliya oo ay ku jiraan argagixisada shabaab.
Safarka Wafdiga Madaxweynaha ayaa ku qotoma sidii dowladda Soomaaliya ay taageero amni iyo mid dhaqaale uga heli lahayd dalalka ay saaxiibada yihiin, waxaana la filayaa in maalinta Berri ah uu kulamo la qaataan Boqorka dalka Qadar iyo Mas’uulyiin kala duwan.
Safarka Madaxweynaha waxaa ku wehliya Wasiirrada Arrimaha Dibadda, Qorsheynta, Amniga Gudaha iyo Gaashaandhigga. Waxay iyagana la kulmi doonaan wasiirada dhiggooda ah.
Wasiirada la socda Farmaajo ayaa waxa ku jira wasiir gacan saar la leh urur diimeed akhwaan ee ka taliya Qadar.
Dhinaca kale Madaxwyane Farmaajo ayaa lagu Wadaa inuu Habeen danbe hadii alle idmo Kulan balaadhan la qaato Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Qadar.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS