Thursday, January 24th, 2019
header

Sh Kenyaawi fursada uu haysto ma uga faaiideysan doonaa inuu ka hadlo argagixisada shabaab

Sh Kenyaawi fursada uu haysto ma uga faaiideysan doonaa inuu ka hadlo oo dadka dhalinta ka waaniyo argagixisada shabaab mise waxa uu kodhisanaya taageereyaashiisa diimeed. Dabcan aruinta taagan waa khatarta ay dalka iyo dadka ku hayaan kooxaha gaaleynta Muslimiinta oo isaga laftiisa gaalayn doona.



Waxaanse is weydiiyay maxaa u diidey culimada inay waaqica jira ka hadlaan oo had iyo doortaan uga warwareegaan oo maraca qaarkood arkeyso in kuwa hoos fadhiya dawlada ay yihiin kuwan hoosta kala jira kooxaha gaaleynta Muslimiinta.

Way yartahay culimada fadhiya masaajida magaalooyinka Somaliyeed min Saylac ilaa Kismaayo inay si toosa uga hadlaan waaqica jira iyo dhalinta beenta loogu sheegay inay isqarxiyaan si janada u galaan.



Waxaan ku jirin musheykhda gobolada dhexe siiba Galguduud.

Su’aasha aad is weydiin karto ayaa ah Sh Kenyaawi ma taaban doonaa arinta taagan ee waaqica ah mana u sheegi doonaa dhalintu inay la shaqeeyaan dawlada oo ay tahay waajib diiniya, inay soo sheegaan halka kooxaha gaaleyntu ku sugan yihiin, ayna jihaadka dhinacooda ka galaan, mise wuxuu ku ekaan doonaa wacyiga guud ee hore loo daawadey.



Waxa xaqiiqa meel amni ka jirin inaan diin ka jirin, taas dhalinta ma u sheegi doonaa gabdho iyo wiilalba, maka waanin doonaa dhaqamada urur diimeedyada Carabta ee dalka ku faafiya ee ay faafiyaan wadaado lacago ku soo qaatey.

Shaki Kuma Jiro dhibka ugu weyn maanta inuu yahay amni xumada iyo xoriyad la’aanta ka jirta goobaha ay joogaan argagixisada, waana sababta Sh Kenyaawi u doortey Muqdisho, wuxuuna ogyahay in diini ka jirto, diintuna tahay aabaha xoriyada, sharafta qofka Muslimka, ee uu Allahiis ku caabudayo ayadoo qori qoorta looga hayn.



Allow culimadeena tus nidaamka wacyigelinta waaqica ku dhisan. Waase nasiib daro haddii uu dhalinyaradaa u imaanaya Jimcaha ee intooda badan bilaa camalka ayna maqlin kalmada la shaqeeya dawlada lana dagaalama argagixisada.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS



Readers Comments (0)

Comments are closed.

Wararka xiga

Siyaasi Cali Faarax oo kabaha la dulmaray madaxa Jaamacada Camuud Saleebaan

January, 23, 2019
Siyaasi Cali Faarax ayaa kabaha la dulmaray madaxa ...

Sirdoonka Maraykanka oo qabtey sadex nin oo Somali ah oo argagixisadu tigidhka u goysay

January, 23, 2019
Sirdoonka Maraykanka ee loo yaqaan FBI ayaa qabtey ...

Siyaasi qarxiyay in hambadii Kulmiye lagu dul cunayo Boorama

January, 23, 2019
Siyaasi qarxiyay in hambadii Kulmiye lagu dul cunayo ...

Yaa wax ku noqdey qarax argagixisadu ka fulisay Muqdisho iyo dilal horleh

January, 23, 2019
Kooxda gaalaynta Muslimiinta ee shabaab ayaa qarax lagu ...

Dawlada Somaliya oo si adag uga jawaabtey eedayn ka timi Kiiniya oo ujeeda leh

January, 23, 2019
Dawlada Somaliya ayaa si adag uga jawaabtey eedayn ...

Dhacdooyinka

Odaygii Nikolas waan u sheegnay inuu siyaasada Somalida soo farogelin: Farmaajo

January, 15, 2019
Madaxweyne Farmaajo ayaa ka hadley ceyrintii Somaliya laga ...

Yuhuuda oo ugu dambeyn qiratey inay hub siisay argagixisada Daacish

January, 15, 2019
Yuhuuda ayaa ugu dambeyn qiratey inay hub siin ...

Madaxa Somali galbeed oo la kulmey ugaaska guud ee Samaroon: SAWIRO

January, 13, 2019
Madaxa Somali galbeed Mustafe Cagjar ayaa la kulmey ...

Sarkaal gacan u qaaday xaaskiisii hore oo jeelka loo taxaabay

January, 11, 2019
Sarkaal gacan u qaaday xaaskiisii hore ayaa jeelka ...

Raggii dilaayay Jamaal Khashowqi oo la ogaadey halka ay si toosa ula hadlaayeen

December, 10, 2018
Raggii dilaayay Jamaal Khashowqi ayaa la ogaadey halka ...

Ololaha ka dhanka ah dhibaatooyinka loo gaysto haweenka oo lagu qabtey Muqdisho

December, 8, 2018
Ololaha ka dhanka ah dhibaatooyinka loo gaysto haweenka ...

Ilhaan Cumar oo jawaab kulul siisay gaalka weyn ee Erik Jackson

December, 8, 2018
Ilhaan Cumar ayaa jawaab kulul siisay gaalka weyn ...