X

Shacabka Butlaan oo ka gilgishay talaabo horjooge Siciid Deni ku kacay

Waxa maanta banaanbax balaadhan ka dhacay magaalada Garoowe halkaas oo dadku aad uga cadhoodeen talaabada horjooge Siciid Deni uu ku joojiyay in lacagtii bugta ahayd ee shilin Somaliga wax lagu cashuuro.


Lacagtan shilinka Somaliga oo lagu dhaqo isla Butlaan ama Hindiya ayaa dadka looga bedeshaa lacagta xalaasha ah ee doolarka, waxa se lacagtaas oo dan u ahayd danyarta hadda horjooge Siciid Deni diidan yahay in cashuurta lagu qaado.

”Sicir bararka waxa keena lacagta beenta ah ee maamulku soo daabacdo waayo dalka waxa lacag xalaala ugu dambeysay 1992 ayu yiri Cali Calasow. Marka Siciid Deni ha joojiyo lacagta bugta ee uu soo daabacanayo, haddase wuxuu rabaa doolar inuu masaakiinta ka qaato.


Si kastaba ha ahaatee dadka masaakiinta ee ay waxyeladu soo gaartey ayaan haysan dawlad ay u qaylo dirsadaan.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.