X

Shanta astaamood ee saxiixa ah ee u gaarka ah habeenka laylatul-qadarka

Habeenka Laylatul-qadar waa habeen ALLE barakeeyay waa habeenka la soo dejiyay Quraankeena, wuxuu ka qiimo badan yahay kun bilood oo macnaheedu yahay cibaadada habeenkaas aad samayso waxay u dhigantaa adoo sameeyay oo kale kun bilood.


Malaaigta ayaa RABi u fududeeyay inay soo degaan habeenkaas. Haddaba maxay yihiin shanta astaamood ee lagu garto habeenkaas.


1-Waa habeen nabada oo aad u xasiloon weliba aadna u kululeyn una qaboobeyn sida uu sheegay ibnu Khuzaymah.

2-Dayaxu wuxuu u egyahay sida saxan oo kale ama nus saxan sida ku soo aruurtey xadiis uu weriyay Muslim

3-Wuxuu habeenkaasi yimaadaa malmo kala duwan sida 21, 23, 25, 27, 29

4-Suurtagalnimada inuu roob da’o sida laga soo weriyay rasuulkeena SCW inuu ku tiyooday isagoo sujuudaya markii uu ka soo kacayna wejigiisa uu lahaa biyaha roobka iyo dhooqo. Saxiix Bukhaari.


5-Cadceeda subaxnimada soo baxda malaahn donto falaadho sida caadiga ah cadcedu markay soo baxayso waxay leedahay falaadho baahsan. Wuxuu arintaan ku fasirey Imam Nawawi in RABI la jeclaaday inay sidaas ahaato oo si khaasa u soo baxdo maalintaas, wuxuu raaciyay maadaama malaaiig badan RABI ogolaaday inay soo degaan ay qarinayaan iftiinka cadceeda.

Xigasho Calisa

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.