X

Shirkada Fly-dubay ee Imaaraadka oo heshiis la gashay madaxa Puntland Siciid Cabdullaahi: SAWIRO

Shirkada diyaaradaha ee dalka yar ee ku naaxay saliida qasweyna ka wada Somaliya guud ahaan ee Imaaraadka ayaa heshiis la galay madaxa Puntland Siciid Cabdullaahi Deni. Siciid oo baryahan ku maqnaa Imaaraadka Ayaan la garanayn waxa kale ee ay ka wada hadleen.


Madaxda Shirkadda Fly-dubay ayaa xustay in kulanka ay la qaateen Madaxa Puntland uu yahay mid muhiimad gaara u leh, ayna soo dhoweynayaan wada xaajoodka ku salaysan isku xirka Puntland iyo Imaaraadka, waxa ayna balan qaadeen in ay wakhti dhow duulimaadyadooda ka bilaabi doonaan Puntland.


Madaxa Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa isna tilmaamay in Puntland ay ka go’antahay horumarinta Garoomada iyo sidii ay ula jaan-qaadi lahayd wadamada horumaray, waxaana uu shirkadda Fly-dubai uga mahadnaqay soo dhaweynta wanaagsan ee ay kula kulmeen isaga iyo waftigiisa.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.