Thursday, May 9th, 2024
header










Meta







Sharciga saxaafada ee dawlada Somaliya hirgelisey oo dawlado shisheeye ka qayliyeen iyo waxa uu sharaxayo

“Runtii waxaa rabaa inaan u mahad celiyo dhamaan dadkii Soomaaliyeed ee ka qeyb qaadatay ka soo shaqeynta iyo dhameystirka xeerka saxaafadda oo ugu horeeyo Baarlamaanka Soomaaliyeed oo 28-kii bishan ansixiyay, sidoo kale waxaa u mahad celinayaa Guddiga Warfaafinta Baarlamaanka oo xoog badan geliyay inay kabaan sharcigii Golaha Wasiirkada ka soo gudbay”ayuu yiri Wasiir Maareeye.

Wasiir Maareeye ayaa sheegay in sharcigan uu yahay kan ugu fiican sharciyada saxaafadda ee Adduunka, isla markaana la filayo inuu noqdo midka ugu sareeyo, waxaa uu xusay in sharcigan uu dhowrayo xuquuqda saxafadiga iyo xoriyatul qowlka.

“Maanta waxaa heysanaa sharci la dhihi karo waa sharciyada Saxaafadda kan ugu fiican ee Adduunka, lana filayo inuu noqdo kuwa ugu sareeya, sharcigan qiimo badan ayuu leeyahay, wuxuu maray dhamaan marxaladihii kala duwanaa ee sharci miisaan leh oo umad sidan warbaahin xor ah u leh oo kale, wuxuuna muddo 9-sano ah ku dhex wareegayay qeybaha uu quseeyo, sida warbaahinta madaxa banaan, wasaarada warfaafinta, kulamo badan oo looga arinsanayay sharcigaas ayaa dhacay, ugu dambeyn waa lagu guuleystay in la ansixiyo.

Wasiirka ayaa sheegay in Warbaahinta madaxa banaan la siin doono nuqulo ka mid ah sharcigaas, isagoo faah faahin ka bixiyay qaar ka mid ah qodobada ku jira sharcigan.

“Sharcigan wuxuu dhowrayaa xuquuqda iyo xoriyada saxaafada, dastuurka KMG ee dalka leeyahay qodobkiisa 18aad wuxuu qeexayaa in xoriyada saxaafada iyo xoriyatul qowlka inay heystaan damaanad buuxa, sidoo kale qodobka 3aad, 33aad, 12aad iyo 20aad ee sharciga Saxaafada wuxuu damaanad qaadayaa saxaafada Soomaaliya inay tahay mid xor ah oo nidaam ku shaqeyneysa, ilaalineysa xuquuqda”ayuu yiri Wasiir Maareeye oo sharaxaad ka bixinayay qodobo ka mid ah sharciga.

Sidoo kale waxaa uu xusay in sharcigan waxtarkiisa uu yahay qodobka 6aad farqadiisa 1aad, kaasoo ah nidamainta howlaha kala duwan ee warbaahinta, lana hormarinayo nidaamka saxaafada iyo wada shaqeynta wasaarada iyo warbaahinta madaxa banaan.

Wasiir Maareeye ayaa sheegay in sharcigan uu sahli doono in si fudud in wariyeyaasha Soomaaliyeed ay awood ballaaran ku yeeshaan qabashada shaqadooda.

Inkastoo cabasho badan ay ka soo yeerayaan warbaahinta xorta, ayaa hadana qodobada xasaasiga ah la hadal haayo ayaa ah in ganaaxa faraha badan ee ku xusan Sharciga iyo cida Wariye noqon karta, oo ah in wariyaha looga baahan yahay inuu heysto shahaado jaamacadeed.

Si kastaba ha ahaatee sharciga Saxaafadda ayaa dhaqan galaya marka uu saxiixo Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS.COM

Readers Comments (0)

Comments are closed.

Wararka xiga

Iiraan oo gaartay lix guul oo horleh weerarkii Yuhuuda

April, 16, 2024
Weerarkii Iiraan ay ku qaaday Yuhuuda ayadoo la ...

Yuhuuda oo qiratay in saldhig milatari iyo gego diyaaradeedba ku daayeen

April, 14, 2024
Weerarki xalay ee Iiraan ku qaaday Yuhuuda oo ...

Maraykanku ma ku dhacaa inuu weeraro Iiraan kadib weerarkii Yuhuuda?

April, 14, 2024
Iiraan ayaa hurdada u diiday Yuhuuda iyo kooxda ...

Wadamada Kuwayd, Qadar oo Maraykanka u diiday

April, 13, 2024
Wadamada Kuwayd iyo Qadar ayaa Maryaykanka u diiday ...

Iiraan oo maskaxiyan u dishay Yuhuuda xilli ayna far

April, 13, 2024
Iiraan ayaa wacad ku martay inay ka aargoosato ...

Dhacdooyinka

Sucuudiga oo safar raali gelina ugu tagay dabadhilifka Yukrayn

February, 26, 2023
Ayadoo madax ka tirsan Sacuudiga ayna weligood booqan ...

Dhulbahante oo ugu dambeyn ku heshiiyay inay is xoreeyaan

December, 31, 2022
Dhulbahante oo caadiyan ka kala adeegta maamul jufeedyada ...

Imaaraadka oo qirtey inay dhaceen maamulka Somalilaan

December, 29, 2022
Itoobiya ayaa iyadu ka baxday saami uu Tigreegii ...

Nin gabdhaha daroogeeya kadibna muuqaal ka duubta oo la qabtey

November, 20, 2022
Muqdisho caasimadii hore ee dalka ayaa noqotey bahalo ...

Ruushka iyo Shiinaha oo noqday saaxiibka keliya ee Somaliya

November, 20, 2022
Kooxda Xalane ayaa markale Somaliya ku giijisay cunaqabataynta ...

Qadar oo koobka adduunka ka faaiidey dad badan oo diinta qaatay

November, 20, 2022
Waxa furmay koobkii kubadda cagta adduunka waxana guuldaro ...

Madaxweynaha FIFA oo reer galbeedka ku tuntey

November, 20, 2022
Ayadoo maanta ay bilaabmayso koobka kubadda cagta aduunka ...