X

Sheekh Mukhtaar Roobow oo gaaray degmada Xudur iyo sababta oo la ogaaday

Sheekh Mukhtaar Roobow ayaa gaaray degmada Xudur ee gobolka Bakool. Sheekh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur ayaa dhawaan isku soo dhiibey dowladda Soomaaliya horayna uga tirsanaa argagixisada.

Safarkiisa ayaa waxaa ka mid ah Wasiirkii Hore ee Difaaca Soomaaliya Mudane Cabdirashiid Gooni, Xildhibaano iyo Xubno kale oo ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed.



Maamulka gobolka Bakool ayaa kusoo dhaweeyay Magaalada Xudur Sheekh Mukhtaar Roobow. Sheekha ayaa qayb ka noqon doona dagaalka argagixisada looga sifeynayo gobolada Bay iyo Bakool.



C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.