X

Shirkada carabta ee la wareegtay dekedda Boosaaso oo kordhisay cashuuraha iyo qaylo dhaan

Shirkada carabta ee la wareegtay dekedda Boosaaso ayaa kordhisay cashuuraha iyo qaylo dhaan ka soo yeertay dadka shacabka ah ee ka ganacsada dekedda.



Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda ee Maamulka Puntland C/samad Samatar Jaafaan ayaa shacabka Puntland iyo siyaasiyiinta ugu baaqay iney xasarada ka daayaan Dekeda Puntland.



Agaasimaha ayaa faah faahin ka bixiyay qidmada lagu kordhiyay Dekeda Magaalada Boosaaso islamarkaan aan si qalad ah loo fasirin.

Waxa uu tilmaamay iney socdaan qorshaha lagu hormarinayo laguna dhameystirayo howlaha Dekeda Magaalada Boosaaso, isaga oo sidoo kale xusay in ay jiraan dad dano gaar ah wata oo doonaya sida uu sheegay in aysan hormar gaarin Dekeda Magaalada Boosaaso.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.