X

Shiinaha oo gobolka Taywaan ku sii giijiyay go’doonka

Shiinaha ayaa cir iyo bad ka xidhey gobolka Taywaan halkaas oo usbuucii hore ay si qarsoodiya ku tagtey afhayeenka Maraykanka kadibna si dhaqsa ah uga baxday. Gobolka ayaa hadda ku sugan cunaqatayn tii ugu xumayd.


”Waxa Shiinuhu si runa u ridayaa madaafiic iyo ganataalo nooca ridada dheer ah ayagoo intaba ku tijaabimaya biyaha ku wareegsan gobolka gooni goosadka ee Taywaan ee Maraykanku dabada ku wato ismana dhaqaajin karaan.

Shiinaha ayaa dhamaanba jaray wada shaqayn ka dhaxayn jirtey iyaga Maraykanka qaasatan dhinaca difaaca, soo galootiga. iyo dhinacyo kale oo dhamaantoodba u fiicnaa Maraykanka.


Maraykanka ayaa ka calaacalay hareeraynta la saaray gobolka Taywaan ayadoo hadda xataa aanu u soo gurman karin maadaama Shiinuhu xidhey baddiisa oo dhan.

”Waa lagu yaqaan Maraykanka intuu wax qaso haddana dib u gurto ayuu yiri Xuseen Warsame. Shiinaha ayaa hadda shaaciyay inay joogteyn doonaan dhoolatiska iyo hareeraynta gobolkam.

C/llaahi Warsame

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.