X

Shiinaha oo tijaabinaya dayax beena oo iftiin u keena

Shiinaha ayaa tijaabinaya dayax beena oo iftiin u keena. Ujeedada dayaxan tijaabada ah ayaa lagu shegay in loo baahdey iftiin dheeraada habena si loo yareeyo korontada ku baxaysa wadooyinka.


Shiinaha ayaa sheegay dayax gacmeedkan weyn in cirka loo diri doono sanadka 2020 haddii tijaabada lagu guulaystana la balaarin doono sanada 2022.

Iftiinka dayaxan beenta ah ayaa ka badnaa dona dayaxa saxda ah sideed jeer waxase uu iftiimin doonaa kaliya dhul 50km oo isku wareegsan, waxana kuu cad inay u baahan doonaan magaalo kasta mid.


Lacagta uu u badbaAdin doono dayaxan beenta ah ayaa lagu qiyaasay ilaa 173 milyan oo dolar oo ku bixi lahayd nalalka wadooyinka.

Khuburada samaynaya dayaxan beenta ah ayaa sheegay in xataa iftiinka dayaxani caawin doono xilliyada koronto la’aantu jirto iyo haddii gurmad deg deg loo baahdo xilli dhul gariir dhacay.

Dayaxan bugta ah ayaa fadhiisan doona meel dhulka u jirta 500km halka dayaxa caadiga ah uu dhulkeena u jiro 380,000km.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.