X

Sidee loo qabtey nin si argagaxa u diley gabadh duleedka Jowhar

????????????????????????????????????

Waxa lagu guulaystey in gacanta lagu dhigo nin Arbacadii la sheegay inuu kufsaday gabadh ay qaraabo ahaayeen kadibna uu jarjaray jirkeeda la helayna meydkeeda. Ninkan ayaa gacanta lagu dhigey waxaana sidaa xaqiijay masuuliyiinta degmada Jowhar.


Gabadha la dilay, kadibna la jar jaray ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Xakiimo Abuukar Xasan, waxaana dadka deegaanka heleen iyada oo mayd ah, kadibna la jarjaray jirkeeda. Dhacda argagax leh ayay ahayd ayay tiri Xaliimo Geesay.


Masulka u hadley degmada Jowhar ayaa sheegay in dadka deegaanka dilka uu ka dhacay ay gacan wayn ka gaysteen sidii loo soo qaban lahaa ninkaasi falka dilka argagaxa leh uga gaystay gabadha.


Dilka ayaa ka dhacay Tuulada Gaal-leef oo ka mid ah tuulooyinka hoostagga degmada Jowhar ee Gobolka Shabellaha Dhexe.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.