Saturday, July 27th, 2024
header










Meta







Shirkad teleefanada iyo internetka ah oo ka dhisan Ingiriiska oo khadka Somaliya ku gaday lacag raqiisa oo hadda joojisay khadkaas

talktalkLondon 09 Jan 2015–Shirkad ka mida shirkadaha teleefanada ee ka dhisan dalka Ingiriiska loona yaqaan Talktalk oo Somali macaamiil u tahay ayaa muddo bil ah ku dartey Somaliya khadadka caalamka ee ay ku iibiso raqiiska.

Shirkada ayaa hadda sheegtay in khadkaasi aanu jiri doonin lix iyo tobanka bishan wixii ka dambeeya iyadoo iimaylo u dirtey macaamiisheeda una sheegtay in khadkaasi qarxay. Khadkan ayaa si toosa loo garaacayay lambarka caanka ah ee Somaliya ee furaha 252 iyadoo moobilada xataa uu la qiimo ahaa khadadka teleefanada ee dhulka.

Somali badan ayaa qoysaskooda ula sheekaystay bishaas si ayna awal ula sheekaysan, waxase la iswaydiinayaa sababta shirkada Talktalk u joojisay Somaliya oo kaliya oo wadamada sida Kiiniya wali khadkaasi u jiro.

Shirkadu waxay kaliya sheegtay in khadku qarxay waxase la iswaydiin karaa erayga wuu qarxay iyadoo Somalida looga badan yahay Ingiriiska oo khadadka kale ee wali furan ay ka mid yihiin Hindiya iyo Bakistaan oo iyaga ay u degan yihiin Ingiriiska bulsho aad u farabadan oo dalka ku soo galay siyaabo kale duwan jecelna inay la hadlaan qoysaskooda.

Dadka qaar ayaa aaminsan in siyaasadu ka maqnayn iyadoo dhinaca kale la odhan karo in shirkada dawladu leedahay ee loo yaqaan British telecomuunication (BT) ay dhici karto inay kicisay qiimaha ay ku iibiso khadadka qaar.

Si kastaba ha ahaatee waxa macaamiisha Somalida ah iswaydiinayaan waxa khasbey in si deg dega u joojiyaan iyadoo kaliya uu furnaa muddo yar.

Shirkada ayaa sidoo kale sheegtay in ay dib ugu celinayso lacagta macaamiisheedu bixiyeen raaligelina ka bixisey khadka la joojiyay.

ARAABINEWS

Readers Comments (0)

Comments are closed.

Wararka xiga

Iiraan oo gaartay lix guul oo horleh weerarkii Yuhuuda

April, 16, 2024
Weerarkii Iiraan ay ku qaaday Yuhuuda ayadoo la ...

Yuhuuda oo qiratay in saldhig milatari iyo gego diyaaradeedba ku daayeen

April, 14, 2024
Weerarki xalay ee Iiraan ku qaaday Yuhuuda oo ...

Maraykanku ma ku dhacaa inuu weeraro Iiraan kadib weerarkii Yuhuuda?

April, 14, 2024
Iiraan ayaa hurdada u diiday Yuhuuda iyo kooxda ...

Wadamada Kuwayd, Qadar oo Maraykanka u diiday

April, 13, 2024
Wadamada Kuwayd iyo Qadar ayaa Maryaykanka u diiday ...

Iiraan oo maskaxiyan u dishay Yuhuuda xilli ayna far

April, 13, 2024
Iiraan ayaa wacad ku martay inay ka aargoosato ...

Dhacdooyinka

Sucuudiga oo safar raali gelina ugu tagay dabadhilifka Yukrayn

February, 26, 2023
Ayadoo madax ka tirsan Sacuudiga ayna weligood booqan ...

Dhulbahante oo ugu dambeyn ku heshiiyay inay is xoreeyaan

December, 31, 2022
Dhulbahante oo caadiyan ka kala adeegta maamul jufeedyada ...

Imaaraadka oo qirtey inay dhaceen maamulka Somalilaan

December, 29, 2022
Itoobiya ayaa iyadu ka baxday saami uu Tigreegii ...

Nin gabdhaha daroogeeya kadibna muuqaal ka duubta oo la qabtey

November, 20, 2022
Muqdisho caasimadii hore ee dalka ayaa noqotey bahalo ...

Ruushka iyo Shiinaha oo noqday saaxiibka keliya ee Somaliya

November, 20, 2022
Kooxda Xalane ayaa markale Somaliya ku giijisay cunaqabataynta ...

Qadar oo koobka adduunka ka faaiidey dad badan oo diinta qaatay

November, 20, 2022
Waxa furmay koobkii kubadda cagta adduunka waxana guuldaro ...

Madaxweynaha FIFA oo reer galbeedka ku tuntey

November, 20, 2022
Ayadoo maanta ay bilaabmayso koobka kubadda cagta aduunka ...