X

Xageed ku ogeyd madaxweynaha Somaliya Maxamed Farmaajo

ARAABINEWS

Xageed ku ogeyd madaxweynaha Somaliya Maxamed Farmaajo oo shalay ka qaybgalay caleemo saarka madaxweynaha Kiiniya oo markii labaad ku guulaystey doorashada.

Caleemo saarka kadib madaxweynaha ayaa Kulamo la qaatay Madaxda Afrika ayaa wuxuu kala hadlay Howlgalka Ciidanka AMISOM ay ka wadaan Soomaaliya, wuxuuna ka dalbaday in ay xoojiyaan taageerada.



Madaxweynaha Soomaaliya iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa saakay ka duulay Garoonka Diyaaradaha Magaalada Nairobi ee dalka Kenya Jommo Kenyatta, waxaana uu ku sii jeedaa dalka Ivory Coast.



Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa waxa ay Ivory Coast uga qeyb galayaan shir ay ka qeyb galayaan qaar ka tirsan wadamada Afrika iyo Yurub, kaasi oo looga hadlayo iskaashiga iyo kobcinta dhaqaalaha.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.