09/02/2026

ARAABINEWS.COM

War la hubo iyo Madadaalo

Shirkii u socday Xasan Sheekh iyo qaar ka tirsan maamul goboleedyada oo maalintii labaad galay yaase ku biiraya maanta

Waxaa lagu wadaa in manta magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia lagu soo afmeero shirka Madasha wadatashiga Qaran ee Somalia oo maalinimadii shalay ka furmay Madaxtooyada Somalia.

Shirkaani oo loogu tallo galay inuu socdo muddo laba maalin ah ayaa waxaa maanta diiradda lagu saarayaa arrimaha doorashooyinka ee lagu wado in ay ka dhacaan dalka sanadkaan .

Shirka Madaxda dowlada iyo kuwa maamulada dalka ayaa waxaa barbar socda shirar gaar gaar ah oo xiliyada Habeenkii ka socda Madaxtooyada Somalia kuwaasi oo lagu lafaguraayo xal ka gaarista Hanaanka doorashada Somalia iyo xiliga ay dhici doonto.

Ujeedada shirkaan ayaa ahayd sidii loo dhammaystiri lahaa hawlaha qabyada ah ee la xiriira doorashooyinka iyadoo la ilaalinayo waqtiga yar ee ka dhiman xilliga doorashooyinka iyo dejinta jadwalka hannaanka doorashooyinka labada aqal ee Baarlamaanka iyo Madaxtooyada iyo hawl-gelinta guddiyada doorashooyinka heer Federaal iyo heer dawlad goboleed.

Shirkaasi oo ahaa labo qaybood ayaa waxaa wejiga koowaad kulmay Madaxda dawladda Federaalka iyo dawladaha xubnaha ka ah iyo guddiga doorashooyinka heer Federaal oo markii ugu horraysey kasoo qayb galay shirka Madasha isla markaana kasoo jeediyey warbixino la xiriira hawlohooda shaqo iyo qorsheyaasha u degsan.

Wajiga labaad ee shirka oo la filaayo in maanta uu dhaco ayaa waxaa kusoo biiri doona wakiilo ka kala socdey Beesha caalamka, iyadoona ay madasha iyo beesha caalamku ka wada hadli doonaan doorashooyinka dalka ka qabsoomi doona iyo dhammaystirka hawlaha dhiman ee ay beesha caalamku qaybta ka ahayd.

Shirka oo la filaayo in maanta lasoo afjari doono ayaa waxaa laga soo saari doonaa go’aan ah waqtiga ay dhacayaan doorashooyinka dalka Soomaaliya inkastoo uu jiro khilaaf aan sidaa usii buurneyn.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS