Hargeysa(Araabinews)–Siciid Sulub oo hore uga ahaa wasiir dawladii Daahir Rayaale oo dhawaan yaraystay Samaroon ayaa raaligelin ka bixiyay hadal uu sheegay in si xun loo turjumay oo aanu ula jedin marnaba. Samaroon waxaan odhan karaa waa beesha labaad oo sadex dal ayay degaan.
Wasiirkii hore ee hawlaha guud iyo guryeynta Siciid Sulub Maxamed, waxaa kale oo uu sheegay in uu beeshaas ka xaal marinaayo hadalka sida qaldan looga turjumay, waxaana uu ugu baaqay in shacbiga reer Somaliland ay ka digtoonaadan in ay warbaahinta hadalka dadka badasha ay warkooda qaataan.
“Waxaan ka xaal bixinayaa sida ay u turjumeen ee aanan anigu u odhan ayaan beesha uga xaal marinayaa sida ay u turjumeen ee aanan ugala jeedin, wax caqli gal ahna aanay ahayn, waxaanan uga digayaa shacabka reer Somaliland jaraa’idka noocaas ah ama warbaahinta noocaas ah ee hadalka dadka had iyo goor badala in aan warkiisa la qaadan.
Daahir Riyaale waa la yaqaana beesha uu ka soo jeedo, tiradeeda waa la yaqaana, tayadeedana waa la yaqaana, igamana gaydo in aan beesha fool xumo aan ka sheego, tiradeeda iyo tayadeedaba, waxaa ay noqon kartaa beesha Labaad ee Somaliland tira ahaan tira ahaan iyo deegaan ahaanba, saddex dal bay dagtaa Somaliland, Itoobiya iyo Jabuuti, taasi wax la sheegayo maaha laakiin cida waxa faa’ido ka dayeysa waxaan leeyahay khasaare ayey kala kulmaysaa, shacabka waxaa dhagahooda lagu ridayna waxa weeye dadkaa dhurdaha ah ee dhagaha dadka kaga ururaya waan idin ka xaal siinayaa waxa
Maxamed Yuusuf
ARAABINEWS