Friday, April 19th, 2024
header










Meta







Sidee loo afduubay aqoonyahan C/wahaab iyo su’aalaha askarta Uhuru weydiiyeen

Aqoonyahan C/Wahaab sh Maxamed ayaa la waayay muddo gaaraysa 12 maalmood markii duhur cad askarta Uhuru ka kaxaysatay suuqa magalada Nayroobi gaadhina ku tuurteen bishii hore. Haddaba halkee la geeyay markii la afduubtey.

”Ujeedada ugu horeysay waxay ahayd in la dilo kadibna meydkiisa lagu tuuro badda ama webiga ayay tiri akhbaar ay heshay jariirad ka soo baxda Kiiniya.



Waxase badbaabiyay buuqii ka dhashay afduubkiisa iyo arinta oo degdeg caan u noqotey. ”RABI iyaa i badbaadiyay ee teelo la iima dhigan ayuu yiri aqoonyahan C/wahaab.



Waxkasta oo dilaagu isku dayaan ugu dambeyn kan ku dilaya iyo kan nafta kuu deynaya waa RABI ayuu raaciyay. Askarta Uhuru soo direy oo afar ahaa ayaa aqoonyahanka qabtey isagoo ka gudbaya wado uu saaxiibkii ku sugayay dhinaca kale.

Inkastoo uu dagaalamay oo qayliyay haddana ma jirin cid u soo gurmata waxase jira dad iyagu taleefanada la booday markiiba oo duubey, waxase lagu qaatey gaadhiga oo markiiba xawaare kaga tagay meesha.



”Waxaan markiiba ogaadey in maanta ay ii dhmaatey oo lay dilayo ayuu yiri aqoonyahan C/Wahaab ayadoo mid askarta ka mida leeyahay anagaa qaladka leh maqashiinay dadka.

”Waxa marhore la iigu digey cambaaynta aan ku hayo mucaarad ku sheega Somaliya iyo Tigreega Itoobiya in naftiisu halis ku galayso laakiin waan iska indhatirey. Waxa markiiba la igu tuuray guri mudgi ah waana la iga tagay ayuu yiri C/wahaab.



Kadib waxa bilowday banaanbaxyo iyo idaacadaha aduunka oo ka hadla afduubkeyga, taas oo rajoweyn i gelisay. Somalida iyo ciidanka sirdoonka Kiiniya ayaa labaduba sheegay in dilka aqoonyahanka ay kuwada jireen Somali iyo Kiiniyaati.

Waxay ugu dambeyn ku heshiiyeen sadex boqol oo kun oo doolar. Waxa qolkii lagu tuurey soo gaaray turjumaa Kiiniyaati oo qoladii sirdoonku wadato.



”Su’aalaha la weydiiya ayaa waxa ku jirtey inuu wax ka ogyahay kiiska Ikraan Faarax oo ah gabadh maqan oo la sheegay in argagixisadu dishey. Waxa kale oo laygu celceliyay inaan is khilaafsanahay madax sare oo ka tirsan dawlada Somaliya ayuu yiri C/wahaab.

”Waad ka noqon kartaa dhalashada Kiiniya. Labada wadan ee Itoobiya iyo Somaliya waa ku raadinayaan makuu masaafurinaa ayay igu yiraaheen. Ugu dambeyn waa iga qanceen markii ceebtii ku dilaacday waxayna ii sheegeen inaanan hadlin haddii kale ku dilayaan.



Way i soo qaadeen waxay i siiyeen 3000 kun oo Kiiniyaati waxayna ii joojiyeen wado madow ah waxayna ugu yidhaaheen raac gaadhi Hindigaa haku geeyo gurigaaga.

Bajaajlihii ayaan 300 siiyay waxase i garan waayay waardiyii gurigayga sida aan u ekahay awgeed, waxaanse ku idhi waxaan deganhay guriga, waxa guriga yaala gaadhiga walaashay oo nalku u daaran yahay oo rabta inay baxdo mise waxay u jeedaa muuqaal



”Cabaar ayay igu dheganayd iyadoo u qaadanla, cabaar kadib ayay igu tidhi sug halkan aan wargeliyo aqalkee.

Soo akhrintii C/llaahi Warhaye

ARAABINEWS



Readers Comments (0)




Wararka xiga

Iiraan oo gaartay lix guul oo horleh weerarkii Yuhuuda

April, 16, 2024
Weerarkii Iiraan ay ku qaaday Yuhuuda ayadoo la ...

Yuhuuda oo qiratay in saldhig milatari iyo gego diyaaradeedba ku daayeen

April, 14, 2024
Weerarki xalay ee Iiraan ku qaaday Yuhuuda oo ...

Maraykanku ma ku dhacaa inuu weeraro Iiraan kadib weerarkii Yuhuuda?

April, 14, 2024
Iiraan ayaa hurdada u diiday Yuhuuda iyo kooxda ...

Wadamada Kuwayd, Qadar oo Maraykanka u diiday

April, 13, 2024
Wadamada Kuwayd iyo Qadar ayaa Maryaykanka u diiday ...

Iiraan oo maskaxiyan u dishay Yuhuuda xilli ayna far

April, 13, 2024
Iiraan ayaa wacad ku martay inay ka aargoosato ...

Dhacdooyinka

Sucuudiga oo safar raali gelina ugu tagay dabadhilifka Yukrayn

February, 26, 2023
Ayadoo madax ka tirsan Sacuudiga ayna weligood booqan ...

Dhulbahante oo ugu dambeyn ku heshiiyay inay is xoreeyaan

December, 31, 2022
Dhulbahante oo caadiyan ka kala adeegta maamul jufeedyada ...

Imaaraadka oo qirtey inay dhaceen maamulka Somalilaan

December, 29, 2022
Itoobiya ayaa iyadu ka baxday saami uu Tigreegii ...

Nin gabdhaha daroogeeya kadibna muuqaal ka duubta oo la qabtey

November, 20, 2022
Muqdisho caasimadii hore ee dalka ayaa noqotey bahalo ...

Ruushka iyo Shiinaha oo noqday saaxiibka keliya ee Somaliya

November, 20, 2022
Kooxda Xalane ayaa markale Somaliya ku giijisay cunaqabataynta ...

Qadar oo koobka adduunka ka faaiidey dad badan oo diinta qaatay

November, 20, 2022
Waxa furmay koobkii kubadda cagta adduunka waxana guuldaro ...

Madaxweynaha FIFA oo reer galbeedka ku tuntey

November, 20, 2022
Ayadoo maanta ay bilaabmayso koobka kubadda cagta aduunka ...