X

Wasaarada macdanta Somaliya oo qiratey inuu jiro shir lagu qaybsanayo kheyraadka dalka

Wasaarada macdanta iyo kheyraadka badda Somaliya ayaa qiratey inuu jiro shir kheyraadka batroolka dalka loogu bandhigayo shirkadaha Ingiriiska oo ka furmey London. Somali farabadan ayaa ka caroodey in gaalkii Somali halkaa kala geeyay hadana gacanta loo geliyo kheyraadkeenii ugu weynaa.


Ingiriiska ayaa ugu horeeya wadamada diidan in Somaliya yeelato ciidan adag, waxayna ka hor imaanaysaa siyaasadiisa guud ee ah in dalka la sii kala googooyo si aan loo helin dawlad adag oo xoogan weligeed.

Wasaarada oo is difaacaysa ayaan sheegin waxa shir loogu baahdey in lagu qabto Ingiriiska si loo iibiyo shidaalka dalka, ayagoo sheegay in loo bandhigayo shirkadaha aduunka.


Shirkadii rabta inay shidaal ka qodato dalka way taqaan halka la yimaado maxaa anaga Ingiriis naga yaal mise dawlad ma nihin ayuu yiri Xuseen Calu oo Muqdisho jooga.


Wasaarada ayaa sheegtay in shirkan ay joogaan qaar ka mida maamul jufeedyada oo iyaguna ogaanaya halka wax la marinaayo, waxayna ku so gabagabaysay in ayna marnaba baayacayn shidaalka dalka.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.