November 18, 2025

ARAABINEWS.COM

News and entertainment

Siilaanyo oo badhasaab cusub oo beeshiisa ah u shaqo keenay gobolka Awdal kana soo bedelay Sanaag soke

nuHargeysa-Araabinews–Siilaanyo ayaa gobolka Awdal keensaday basaas cusub oo SNM ah laguna magacaabo Maxamud Cali Saleebaan (Rubaax) oo ka mida kuwa sida xun u difaaca.

Badhasaabkan Siilaanyo keensaday Boorama ayaa ku magacaabnaa gudoomiyaha Sanaag inta SNM joogto wuxuuna ku guuldaraystay in uu wax qabto ama isku soo jido nabad ahaan shacabka Sanaag u badan.

Dhinaca kacdoonka wax uu ka qaban karo ayaa iska yar wuxuuse yahay basaas weyn oo hadda haysta lacag xoogleh oo uu u qaybiyo masaakiinta ku agwareegsan ee bilaa camalka ah.

Badhasaabkii hore ayaa lafahiisa u qabay kadibna go,aansaday in uu is casilo.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS