Wednesday, May 8th, 2024
header










Meta







Siilaanyo oo markale buuxiyay wasiiradii u baneeyay kursiga yaase ka mida kuwa cusub

Madaxweynaha maamulka Somaliland Axmed Siilaanyo ayaa markale magacaabay wasiiro iyo ku xigeeno oo ah boosas ay baneeyeen wasiiro ka xanaaqay sida cad ee uu ula saftey Muuse Biixi oo hadda la rabo in loo caleeo saaro mursiga Kulmiye. Warsaxaafadeed uuna Siilaanyo ku saxiixnayn ayaa waxa uu u qornaa sidatan.

1.   In Mudane, Cabdillaahi Faarax Maydhane, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiirka Wasaaradda Ciyaaraha, Dhalinyarada iyo Dhaqanka ee Jamhuuriyadda Somaliland.

2.   In Mudane, Cabdilaaahi Ibraahim Habane (Cabdilaahi Dheere) laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare

3.   In Mudane, Maxamed Muuse Diiriye, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiir Ku-xigeenka Amniga ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Jamhuuriyadda Somaliland.( Bedel)

4.   In Mudane, Cabdi Daahir Camuud, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Jamhuuriyadda Somaliland. (Bedel)

5.   In Mudane, Rashiid Ismaaciil Kaahin, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Ciyaaraha, Dhalinyarada iyo Dalxiiska ee Jamhuuriyadda Somaliland. (Bedel)

6.   In Mudane, Cabdirashiid Xuseen Cabdille (Carab), laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiiru-dawlaha Gobollada Bari ee Jamhuuriyadda Somaliland. (Bedel)

7.   In Mudane, Cabdisalaan Maxamed Xasan, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Deegaanka iyo Horumarinta Reer Miyiga ee Jamhuuriyadda Somaliland. (Bedel)

8.   In Dr. Maxamed Faarax Ducaale, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Maaliyadda ee Jamhuuriyadda Somaliland. (bedel)

9.   In Mudane, Kaysar Cabdillaahi Maxamed, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Ganacsiga iyo Maalgashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland. (bedel)

10.         In Mudane, Yuusuf Cismaan Garas, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland. (Bedel)

11.         In Mudane, Cismaan Axmed Jaamac, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Garsoorka ee Jamhuuriyadda Somaliland.

12.         In Eng. Cabdi Maxamed Hiired, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Hawlaha Guud, Guriyeynta iyo Gaadiidka ee Jamhuuriyadda Somaliland.

13.          In Mudane, Mahdi Cismaan Cabdillaahi (Buuri), laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Biyaha ee Jamhuuriyadda Somaliland.

14.          In Mudane, Cabdiraxmaan Axmed Ismaaciil, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Macdanta iyo Tamarta ee Jamhuuriyadda Somaliland.

15.          In Eng. Cabdirashiid Maxamuud Cali, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Xannaanada Xoolaha ee Jamhuuriyadda Somaliland.

16.          In Mudane, Boos Mire Maxamed, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Gaashaandhigga ee Jamhuuriyadda Somaliland.

17.          In Mudane,  Jaamac Cabdiilahi Biin, laga bilaabo maanta uu ahaado Wasiir Ku-xigeenka Gobollada iyo Degmooyinka ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha

Magacaabida Agaasimeyaasha Guud

Madaxweynuhu:-

Markuu Arkay:                 Qodobka 90aad, Faqradiisa 3aad, Xarafka (kh) ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Tixgeliyey:        Ahmiyadda ay Agaasimayaasha Guud ee Wasaaraduhu u leeyihiin dhismaha Qaranka;

Markuu Arkay:                 In baahi loo qabo buuxinta jagada Agaasimeyaasha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Warshadaha ee Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Ka Fiirsaday:    Kartooda, aqoontooda iyo hufnaantooda shaqo;

Markuu Ku Qancay:       In uu hanan karo xilkan loo magacaabay;

Wuxuu go’aansaday

18.         In Mudane, Cabdifataax Siciid Axmed Guuleed, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Jamhuuriyadda Somaliland.(Bedel)

19.         In Mudane, Farxaan Aadan Haybe, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warshadaha ee Jamhuuriyadda Somaliland.

Magacaabida La-taliyeyaasha Madaxweynaha

Madaxwyenuhu:-

Markuu Arkay:                 Qodobka 90aad, Faqradiisa 3aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Tixgeliyey:        Ahmiyadda La-Taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Hay’adaha Caalamiga iyo Kuwa Maxaliga ah; iyo La-Taliyaha Arrimaha Gobollada Bariga

Markuu Arkay:                 In baahi loo qabo magacaabidda jagooyinkan;

Markuu Ka Fiirsaday:    Kartidiisa, aqoontiisa iyo hufnaantiisa shaqo;

Markuu Ku Qancay:      In uu hanan karo xilkan loo magacaabay;

Wuxuu go’aansaday

20.          In Mudane, Cabdisamad Cumar Maal, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado La-Taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Hay’adaha Caalamiga iyo Kuwa Maxaliga ah. (bedel)

21.          In Eng. Cabdinaasir Garaad Abshir Saalax, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado La-Taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Gobollada Bariga Jamhuuriyadda Somaliland.

ALLAA MAHAD LEH

Eng. Xuseen Aadan Cige (Xuseen Dayr)

 Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.

https://ssl.gstatic.com/ui/v1/icons/mail/images/cleardot.gif

 

Readers Comments (0)

Comments are closed.

Wararka xiga

Iiraan oo gaartay lix guul oo horleh weerarkii Yuhuuda

April, 16, 2024
Weerarkii Iiraan ay ku qaaday Yuhuuda ayadoo la ...

Yuhuuda oo qiratay in saldhig milatari iyo gego diyaaradeedba ku daayeen

April, 14, 2024
Weerarki xalay ee Iiraan ku qaaday Yuhuuda oo ...

Maraykanku ma ku dhacaa inuu weeraro Iiraan kadib weerarkii Yuhuuda?

April, 14, 2024
Iiraan ayaa hurdada u diiday Yuhuuda iyo kooxda ...

Wadamada Kuwayd, Qadar oo Maraykanka u diiday

April, 13, 2024
Wadamada Kuwayd iyo Qadar ayaa Maryaykanka u diiday ...

Iiraan oo maskaxiyan u dishay Yuhuuda xilli ayna far

April, 13, 2024
Iiraan ayaa wacad ku martay inay ka aargoosato ...

Dhacdooyinka

Sucuudiga oo safar raali gelina ugu tagay dabadhilifka Yukrayn

February, 26, 2023
Ayadoo madax ka tirsan Sacuudiga ayna weligood booqan ...

Dhulbahante oo ugu dambeyn ku heshiiyay inay is xoreeyaan

December, 31, 2022
Dhulbahante oo caadiyan ka kala adeegta maamul jufeedyada ...

Imaaraadka oo qirtey inay dhaceen maamulka Somalilaan

December, 29, 2022
Itoobiya ayaa iyadu ka baxday saami uu Tigreegii ...

Nin gabdhaha daroogeeya kadibna muuqaal ka duubta oo la qabtey

November, 20, 2022
Muqdisho caasimadii hore ee dalka ayaa noqotey bahalo ...

Ruushka iyo Shiinaha oo noqday saaxiibka keliya ee Somaliya

November, 20, 2022
Kooxda Xalane ayaa markale Somaliya ku giijisay cunaqabataynta ...

Qadar oo koobka adduunka ka faaiidey dad badan oo diinta qaatay

November, 20, 2022
Waxa furmay koobkii kubadda cagta adduunka waxana guuldaro ...

Madaxweynaha FIFA oo reer galbeedka ku tuntey

November, 20, 2022
Ayadoo maanta ay bilaabmayso koobka kubadda cagta aduunka ...