09/02/2026

ARAABINEWS.COM

War la hubo iyo Madadaalo

Siilaanyo oo safar ku tagey Berbera xilli xalay banaanbax xoogani ka dhacay

Axmed Siilaanyo ayaa safar ku tagey Berbera saaka xilli uu banaanbax xoogani ka dhacay halkaasi xalay inkastoo aan la soo sheegin wax khasaare ah. Banaanbaxan ayaa lala xiriirinayaa kii shalay ka dhacay degmada Sheekh.

Beesha Siilaanyo iyo kuwa dega Saaxil ayaa xaalkoodu marayaa meel aad u xun waxana laga baqayaa in ay ka qaraxdo. Muranka uGu weyn ayaa cadaalad daro iyo qabyaalad xun oo Siilaanyo kula kacay beelihiisa iyo kuwa dariska.

Safarka Siilaanyo ayaa dadka qaar sheegayaan in uu yahay mijabaxsiga loo sameeyo Siilaanyo si loo yiraa wali waa socdaa waana talinayaa oo la sheegayo in uu u socda ilaa Burco.

Maxameed Yuusuf

ARAABINEWS