10/12/2025

ARAABINEWS.COM

War la hubo iyo Madadaalo

Siiriya oo lumisay xadkii u dhexeeyay iyaga iyo Ciraaq iyo Daacish oo la wareegtay Kontaroolkii ugu dambeeyay

Siiriya–Dawlada Siiriya ee weerarka ay ku hayaan Sucuudiga, Qadar iyo Turkiga ayaa ciidankeeda ka saartey kontaroolkii ugu dambeeyay ee ay ka joogeen xadka ay la wadaagaan Ciraaq halkaas oo gacanta u galay dhiigmiiratada Daacish oo qixiyay kumanaan muslimiina. Argagixisada Salafiga ee Daacish ayaa magaalada Ramaadi ee Ciraaq ku qixisay kumanaan shacab muslimiina kuwaas oo caruurta iyo dumarku bseexdeen banaanka.

Kor u kaca Daacish ayaa waxa inta badan keena tamar la’aan haysa ciidamada qaranka ee Ciraaq iyo Siiriya halkaas oo Salafiga Sucuudiga iyo Qadar ay malayiin doolar galiyeen sidii ay u tirtiri lahaayeen dalka Siriya oo hadda dadkiisii Suni iyo Shiico ay banaanka jiifaan.

Dawlada taagta daran ahna tan ugu dambeysa kala dambeyn iyo dawladnimo Siirya ayaa ciidankeedu meelkasta faarujiyaa iyagoo waaya gurmad ah mid diyaaradeed iyo mid ciidan.

WP_20150522_005WP_20150522_006WP_20150522_003

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS.COM