November 19, 2025

ARAABINEWS.COM

News and entertainment

Sirdoonka NISA oo gacanta ku dhigey argagixis Daacisha

Sirdoonka NISA ayaa gacanta ku dhigey argagixis Daacisha oo qoronaayay xubno cusub oo u fuliya xaauuqa ay ka wadaan dalka. Argagixiskan Daacish ka tirsan ayaa lagu qabtey magaalada Muqdisho oo ay ka wadaan hawlgalada ugu badan.



NISA ayaa sheegtay in howgal gaar ah oo hori loo sii qorsheeyay in ay kusoo qabteen xubintaasi ka tirsan Daacish, iyaga oo xusay in Daacish uu u qaabilsanaa soo tashkiilinta dhalinyarada.

Waa markii ugu horeysay ee sirdoonka NISA ay soo qabtaan xubin ka mida Daacish oo Muqdisho iyo Koofurta ka fuliya hawlgalo ay qorsheysan oo ay ku xasuuqaan Somsali Muslimiina oo ay gaaleeyeen.



Argagixiskan Daacish ayaa qoranaayay xubno u fuliya xasuuqa oo inta badan ay siiyaan shilimaad ay ku iibsadaan noloshooda naarna u dooraan.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS