Wasiirka Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Soomaaliya Xildhibaan, Sheekh Nuur Maxamed Xassan oo booqasho ku jooga Sucuudiga ayaa kulan la qaatey madaxda Sucuudiga. Kulanka oo saacado qaatey kadib ayaa waxa ka soo baxay heshiis.
Warbixinta ayaa in Dowladaha Soomaaliya iyo Boqortooyada Sacuudiga ayaa ku hishiiyeen in tirada dadka soomaaliyeed ee sanadka soo socda xajin doona lagu daro, Labo kun iyo Labo Boqol (2,200 ) oo xaaji, taas oo ka dhigan in tirada xujayda Soomaalida sanadkan noqota Kow iyo Toban kun iyo Shan Boqol (11,500 ) oo Qof, halka sanadkii hore ay aheyd, Sagaal kun iyo Sedex Boqol (9,300 ) oo Qof, sida uu sheegay Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Diinta XFS.
Wasiirka Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Soomaaliya Xildhibaan, Sheekh Nuur ayaa sidoo kale sheegay in la isla-gartay in aad loo wanaajiyo adeegyada la siiyo soomaalida, haddey ahaan lahayd, deegaannada gaadiidka iyo cunnada intaba, iyadoo lagu ballamay in la dedajiyo soo saarista Fiisayaasha xajka iyo adeegyada kale ee xajka.
Xajka ayaa isku bedelay goob lacag lagu helo waxana sanad walba la kordhiyaa lacagta lagu aadayo.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS