X

Sirdoonka Somaliya oo baadhaya kaalinta kooxda madasha ku lahaan karaan qaraxii Muqdisho

Waxa maanta ka badbaaday magaalada Muqdisho shirqool lagu dili rabay taliyaha booliiska ee gobolka Banaadir Farxaan Qaroole. Waxa xasuuqaas ku dhintey dad shacaba. Afhayeen u hadlay booliiska ayaa sheegay in 4 qof ku dhintey halka 9 kale ay dhaawacmeen.


Haddaba su’aasha ayaa ah kaalin intee leeg ayay ka qaadan shirqoolkan kooxda qabiil ku awrkacsiga ee sheegata magaca Hawiye iskuna sheegta musharixiin ayagoo hore loo ogaa inay u digeen sarkaalkan.

”War hoy ka joog dhiiqo iyo musqul ayaa lugaha lagu gelin hooyaa ayuu yiri fadhiid Xasan Sheekh oo markaa ku awkacsanaayay Hawiye inay dhiig isaga u daadiyaan iyo kuwa la midka ah ayuu yiri Cali Calasow.


Haddaad aamusto oo xataa gurigaaga joogto eedaysanaa tahay ayuu raacay fadhiid Xasan Sheekh oo u digaayay saraakiisha ciidanka ee qaranka u adeegaya laakiin uu ka doorbidey in isaga dhiig u daadiyaan.

Sirdoonka Somaliya ayaa bilaabay kaalinta ay ku lahaan karaan kooxdaas Hawiye ku awrkacsata maadaama uu u ahaa bartilmaameed haddana isla ayagii fuliyeen.


Waxaan ognahay in la dagaalanka dawladaa hadda jirta ay ka siman yihiin. ”Argagixiso lacagey ku shaqaysaa hadaa lacagta dhiibto waa laguu fulinaa ayuu raaciyay Cali Calasow.

C/llaahi Warhaye

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.