X

Woqooyiga Kuuriya oo tijaabisay gantaal noociisa xitaa Maraykanku la rafanayo

Woqooyiga Kuuriya oo ah dal aad u xoogweyn laakiin aan haysan dhaqaale balaadhan ayaa tijaabisay gantaal noociisa xitaa Maraykanku la rafanayo inuu sameeyo. Gantaal xawaare xad-dhaafka ah ayaa waxa adduunka haysta keliya Ruushka.


Inkastoo Maraykanku isku dayay inuu sameeyo sanadihii u dambeeyay ilaa hadda waa ku gulaysan waao xitaa asaga oo haysta dhaqaalaha ugu weyn adduunka iyo weliba dhaqaalaha ugu weyn ee la geliyo milatari.

Waxa taas ka sii daran ayagoo usbuucyo hore tijaabiyay gantaal ay ka dhex rideen tareen taas oo walwal gelisay Koofurta Kuuriya iyo ciidamada Maraykanka ee ku sugan.


”Waan qiimaynaynaa waanan fiirinaynaa si aan u fahano waxay sameeyeen iyo sancada casriga ah ee ay isticmaalaan ayuu yiri afhayeen u hadlay Maraykanka.


Woqooyiga Kuuriya ayaa soo wada gantaalo kale oo kuwa lidka diyaaradaha ah taas oo walwalak gelinaysa diyaaradaha Maraykanka oo ah halka keliya ee uu isku halaynayo.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.