November 19, 2025

ARAABINEWS.COM

News and entertainment

Somalidii ugu badneyd ee Trump soo masaafuriyo oo laga soo dejiyay Muqdisho

Somalidii ugu badneyd ee Trump soo masaafuriyo oo laga soo dejiyay Muqdisho. Wararkii u dambeeyay ee aan ka helayno garoonka Muqdisho ayaa sheegaya in tiradu ku dhowdahay 100 qof.

Trump ayaa ku dhawaaqay in dadka aan sharci haysan la masaafurin doono, waxana marka hore la soo masaafuriyay dadka dambiyada ka galay iyo kuwa sida sharci darada ku soo galay.



Trump ayaa dhinaca kale qortey 50 xaakina oo dedejiya masaafurinta dadka soo galootiga iyo kuwa dambiga galay.

Dadka manta laga soo dejiyay Muqdisho ayaa oo u badan dhalinyaro dalka Mareykanka ka galay xuduudaha Migsiko iyo Maraykanka oo hadda Trump rabo in uu kordhiyo derbiga.

Soo galootiga badankooda ayaa galay Kanada iyagoo dhex qaaday baraf xoogleh. Warkii u dambeeyay ayaa wasiirka xilkii ka dhamaaday ee arimaha gudaha uu cadeeyay goor dambe in tiradu tahay 70 qof.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS