X

Somalilaan mardhow waa lagu kala tagayaa: Cali Gurey

Siyaasiga Cali Gurey ayaa sheegay in maamulka Somalilaan lagu Kala tagi doono oo uu ogyahay ninka khiyaamadaa dhigey kuna sheegay ninka la baxay boqor Buurmadow. Cali Gurey ayaa sheegay in ninka isku caleemo saaray guddiga doorashada aanu doorasho qabanayn oo ay tagay shirqool.


Shirqoolkaasna waxa dhigey Buurmadow ayuu yiri Cali Gurey. Dhawaan ayay ahayd markii Muuse Biixi uu guddiga Ku soo daray nin xisbigiisa Ka tirsan oo  tirsanaa guddigii hore ee doorashada ee fashilmey haddana u magacaabay gudoomiyaha guddigaas.


Waxay tani Ka dhigan tahay in aan maamulka ay Ka dhigo doonin wax doorasho ah hadhowna wixii la yimaada uu ka masuul ka yahay Muuse Handaraab.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.