X

Somaliya gadaal ma ka toogan kartaa Itoobiya xilligan

ABY AHMED

Horgale Xasan Culusow ayaa madaxweynaha Masar hortiisa ka sheegay inuu ku raacsan yahay siyaasada Masar ee biyaha webiga Niil. Waxase su’aashu ka taagan yahay yuu Xasan Culusow ku matalaa siyaasad noocana.



Jawaabta fudud ayaa ah waa horgale Masar isticmaashay ayadoo ka fushanaysa dan dhow oo ujeeadu tahay in Masar isku halaynayso haddii sheekadu ku xumaato. Waxaadse is weydiin kartaa Somaliya xilligan dabada ma u jeedin kartaa Itoobiya.

”Markaan fiirino horgale Xasan Culusow si fiican ayuu ugu jiraa waana la wataa haddan wuxuuna ku jiraa go’doon siyaasadeed oo qaawan, waxana ugu wacan kuwa uu u adeegayo ayuu yiri Cali Calasow.


Somaliya Cabi Axmed oo nin Oromo ah yaanu ahaanba Muslime dabada uma jeedin karto xilligan inay ilaaliso xukunkiisa sida uu Somali u sharfay awgeed oo aanu wax dhiba ku hayn ayuu qabaa Cali Calasow.


Ma is weydiisay waxa naga galay webiga Niil oo ku yaala Itoobiya xageeda dambe, goorma ayuu biyo xidheenkaas noqday qayb ka mida siyaasada dalkeena, waxay muujinaysaa horgale Xasan Culusow inuu dalkan gadanayo ayuu yiri Xuseen Warsame.

C/llaahi Warsame

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.