X

Mustafe Cagjar oo faahfaahiyay cida ay yihiin argagixisada soo duushay

CAGJAR

Madaxa Somali galbeed Mustafe Cagjar ayaa faahfaahiyay cida ay yihin argagixisada soo gashay buuraha u dhexeeya gobolada Somaliya iyo kuwa Somali galbeed. Waan ognahay kooxda na soo weerartay cida ay yihiin ayuu yiri Mustafe Cagjar.


”Waxa la yiraa mujaahidiinta Itoobiya oo ah magac aan hore loo maqal laakiin loo malaynayo keliya inay xiriir la leeyihiin kooxda argagixisada ee ka dagaalanta gobolka Oromada iyo Axmaarada. Ujeedadu waa inay khalkhal geliyaan gobolka ayuu tiri Mustafe Cagjar.



Mar la weydiiyay sida uu ku ogaaday ayuu sheegay in maxaabiista laga qabtey ay qurteen oo isa sheegeen cida ay yihiin, maaha argagixisada shabaab laakiin waa isku mid labaduba ayuu raaciyay.

Warar ayaa sheegaya inay welli ku sugan yihin buuraha oo haad aloo direy ciidanka Itoobiya si uu u soo afjaro.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.