Soomaaliya iyo Suudaan ayaa heshiis balaadhan wada saxiixdey.
Madaxweynaha Soomaaliya Farmaajo ayaa dhiggiisa Dalka Suudaan Cumar Xasan Albashiir uga mahad celiyey taageerida Suudaan ay la garab istaagtay Soomaaliya inta ay burbursaneed ilaa haatan, gaar ahaan dhanka Waxbarashadda.
Heshiisyada ay isla garteen Labada Dal ayaa waxaa kamid ah :-
Waxay isla garteen labada Madaxweyne muhiimadda ay leedahay in la helo Iskaashi dhaqaale oo dhex mara dowladdaha geeska Africa, Mustaqbalka dhowna lagu dhawaaqo midow Ganacsi oo ay ku midaysanyihiin dowladdaha geeska africa.
Waxay isla garteen labada dhinac in la iska kaashado dhinacyadda Beeraha, Waxbarashada, Ganacsiga xoolaha, Baasaboorka, Safaradda iyo Duulimaadka shacabka.
In la sameeyo Guddi Siyaasadeed ee Wasaaraddaha arrimaha dibadda labada dhinac si loo dardar galiyo xariirka dhabaha cusub loo xaaray ee Somaliya iyo Suudan ka dhaxeeya.
Hishiisyadan ay wada gaareen Madaxda Wadamada Soomaaliya iyo Suudaan ayaa u daneeynayo labada shacab ee Walaalaha ah, waxaana ay xoojinayaan Saaxiibtinimada qotada dheer ee dhaxeysa Somalia iyo Sudan.
Madaxda Somaliya ayaa inta badfan ku qulqula Suudaan oo ah dal aan wax badan u qaban karin Somaliya oo burbursan.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS
Wararkii hore
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay