Sunday, February 23rd, 2020
header

Somaliya kaalintee kaga jirtaa wadamada ugu xoogan milatariga aduunka 2019

Markaad soo hadal-qaado Somaliya waxa markaaba niyadaada ku soo dhacaya dal hogaankoodii burburiyay kadibna wixii soo haray iyagu dib isugu dilaya, ayagoo adeegsanaya sheekada qabiilka oo ah ku qaraabasho kaliya.

Haddana marka la qiimeeyo awooda ciidan ee Somaliya leedahay iyo kaalinta ay kaga jirto aduunka wadamada ugu xoogan isma laha. Waxa ka sii hooseeya wadamo ciidamo u soo direy laakiin iyaguba burbursan.



Wadamada ugu xooga weyn dhinaca ciidanka iyo farsamada hubka iyo dhinacyada kala duwan ee khidada dagaalka waxa ugu horeeya Maraykanka oo isagu ku qaaday dhinaca dhaqaalaha.

Waxa ku xiga Ruushka oo Maraykanku ka awood badneyn laakiin qiimeyn ahaan marka la fiiriyo dhinacyo badan ka tiro badan ciidan ahaan meelaha qaarna sida diyaaradaha ka farabadan.



Waxa ku xiga wadanka Shiinaha oo ugu ciidan badan aduunka hadana lagu dilayo dhinacyo badan oo xaga tiknoolajiyada ah. Isku soo duuboo wadamada Muslimka waxa safka hore ama tobanka hore ku jira Turkiga iyo Masar.

Sucuudiga oo ah wadanka keliya ee lacagtiisu ku qasaartey hub kana miisaaniyad badan Ruushka, Turkiga iyo Masar oo gaajo ah wuxuu ku jiraa kaalinta 25-naad, wuxuuna ku helay dhaqaalaha saliida.



Hadaba Somaliya ayaa ku jirta kaalinta 130-aad wadamada ugu awooda badan milatari aduunka, waxa ka hooseeya ilaa 8 dal oo ay ku jirto Siiraliyoon, Laybeeriya ayna ka sarayso Muritaaniya oo weligeed dagaal gelin.



Waxaan oran karnaa inaga shilinka ina soo gala waxaan gelinaa hub waayo cadowgeena koowaad ee argagixisada si kale ugama adkaan karno iyo weliba cadowga gudaha ee raba in dalku weligii lahaan ciidan adag.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS



Readers Comments (0)

Comments are closed.

Wararka xiga

Maxaad ka ogtahay dadyowga Somalida biirshay

February, 22, 2020
Waa barnaamij lagu lafogurayo dadyowga Somali biirshay. Waxa ...

Qayb kale oo xiise leh taxanaha Dulmi

February, 22, 2020
Adi see ku dili kartaa walaashay. Muunye oo ...

Muuse Biixi oo loogu hanjabay in caga cadaan looga qaadayo xilka

February, 22, 2020
Xisbiyada Wadani iyo Ucid oo ka Hadley fadhiidnimada ...

Cudurka hargabka Shiinaha oo qarka u saaran in la xakamayn waayo: WARBIXIN

February, 21, 2020
Ururka caafimaadka aduunka oo hore u sheegay in ...

Gabadhii Hargeysa askarigu ku garaacay oo afka furatey

February, 21, 2020
Waxaa aad looga cadhoodey gabadh askari u shaqeeya ...

Dhacdooyinka

Dawlada Somaliya oo looga digey inay soo celiso Somalida Shiinaha ku nool

February, 7, 2020
Dawlada Somaliya ayaa loogu baaqay inayna soo qaadin ...

Badhasaabkii diinta caayay oo Muuse Biixi difaacay

February, 6, 2020
Dhawaan ayay ahayd markii badhasaabka fadhiidka ah ee ...

Warbixinta gabadh shan jira oo Hargeysa lagu kufsaday

February, 5, 2020
Waa arin aad looga argagaxo markaad maqasho gabadh ...

Dawlada Somaliya oo qaaday talaabo ay ku xaqiijinayso xadka Kiiniya: XOG

February, 5, 2020
Dawlada Somaliya oo ciidan ahaan sii xoogeysanaysa taas ...

Cudurka halista ah ee hargabka Shimbiraha oo ka dilaacay Sucuudiga

February, 4, 2020
Urur caafimaadka aduunka ayaa xaqiijay in cudur halisa ...

Gobolka Harawo maanta iyo xilligii hore midkee faaiido qabaan: Falaqayn

February, 3, 2020
Waxa falaqaynta diyaariyay saxafiga da'da yar ee Faysal ...

Badhasaabkii diinta caayay ee Awdal oo toobad keenay iyo Sh Xasan oo u jawaabay

February, 1, 2020
Dhawaan ayay ahayd markii fadhiidka Muuse Biixi u ...