X

Somaliya kaalintee kaga jirtaa wadamada ugu xoogan milatariga aduunka 2019

Markaad soo hadal-qaado Somaliya waxa markaaba niyadaada ku soo dhacaya dal hogaankoodii burburiyay kadibna wixii soo haray iyagu dib isugu dilaya, ayagoo adeegsanaya sheekada qabiilka oo ah ku qaraabasho kaliya.

Haddana marka la qiimeeyo awooda ciidan ee Somaliya leedahay iyo kaalinta ay kaga jirto aduunka wadamada ugu xoogan isma laha. Waxa ka sii hooseeya wadamo ciidamo u soo direy laakiin iyaguba burbursan.


Wadamada ugu xooga weyn dhinaca ciidanka iyo farsamada hubka iyo dhinacyada kala duwan ee khidada dagaalka waxa ugu horeeya Maraykanka oo isagu ku qaaday dhinaca dhaqaalaha.

Waxa ku xiga Ruushka oo Maraykanku ka awood badneyn laakiin qiimeyn ahaan marka la fiiriyo dhinacyo badan ka tiro badan ciidan ahaan meelaha qaarna sida diyaaradaha ka farabadan.


Waxa ku xiga wadanka Shiinaha oo ugu ciidan badan aduunka hadana lagu dilayo dhinacyo badan oo xaga tiknoolajiyada ah. Isku soo duuboo wadamada Muslimka waxa safka hore ama tobanka hore ku jira Turkiga iyo Masar.

Sucuudiga oo ah wadanka keliya ee lacagtiisu ku qasaartey hub kana miisaaniyad badan Ruushka, Turkiga iyo Masar oo gaajo ah wuxuu ku jiraa kaalinta 25-naad, wuxuuna ku helay dhaqaalaha saliida.


Hadaba Somaliya ayaa ku jirta kaalinta 130-aad wadamada ugu awooda badan milatari aduunka, waxa ka hooseeya ilaa 8 dal oo ay ku jirto Siiraliyoon, Laybeeriya ayna ka sarayso Muritaaniya oo weligeed dagaal gelin.


Waxaan oran karnaa inaga shilinka ina soo gala waxaan gelinaa hub waayo cadowgeena koowaad ee argagixisada si kale ugama adkaan karno iyo weliba cadowga gudaha ee raba in dalku weligii lahaan ciidan adag.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.