Thursday, October 17th, 2019
header

Somaliya oo dacwad kulul ka gudbisay diyaarad Kiiniya ka timi

Dawlada Somaliya ayaa dacwad ka gudbisay diyaarad Kiiniya ka timi oo si toosa uga degtay Kismaayo. Dawlada Somaliya ayaa bishii hore soo saartey in diyaarad kasta oo ku socota ama ka duuleysa Kismaayo ay soo marto Muqdisho.



Ciidanka Kiiniya ayaa daldasha kheyraadka Somaliya gaar ahaan deegaanada ay joogaan. Waxa intaas dheer inay si qotodheer ugu dhex jiraan siyaasada Somaliya ayagoo si cad ula safan Axmed Madoobe.

”Somaliya dhulka wey soo dhigi kartaa diyaaradaha xamuulka oo dhan laakiin ma rabto inay heerkaas gaarto ayuu yiri Cali Calasow oo jooga Muqdisho. Diyaarada maanta soo duushey waxay sidey horjoogeyaal hore fashilmey oo uu ku Jiro Shariif Xasan iyo horjooge C/kariin Xuseen oo lagu ilaalin jirey Cadaado.



Axmed Madoobe ayaa raba inuu is caleemo saaro xili uu hareer maray nidaamka dawladnimo ee u dejisan dalka ayna dhicina dib u heshiisiin loo sameeyay beelaha degan Jubooyinka. Dawlada ma aqoonsana hadduu is caleemo saaro iyo haddii kalaba waxase Somaliya uga daran Kininiya oo Kismaayo ku haysa ayuu raaciyay Cali Calasow.



Somaliya ayaa dacwad u gudbisay xiriirka hawada caalamiga maadaama diyaarada Kiiniya leedahay si toosa u fadhiisatey Kismaayo. Diyaaradan ka diiwaan gashan shirkada Jubba Airways ayaa xarunteedu tahay KIINIYA.



Dacwadan Somaliya ayaa imaanaysa ayadoo Kiiniya rajaynaysa in hal sano loogu daro dooda dacwada badda oo la filaayay inay dhacdo bisha dambe laakin hadda maxkamada laga sugayo go’aan cusub iyo in laga diido Kiiniya.

”Diyaaradaas waxa sugeysa ganaax iyo in laga mamnuuco dhamaan dalka.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS



Readers Comments (0)

Comments are closed.

Wararka xiga

Hay’adda isku xirka bulshada ee Turkiga iyo mashruucyada ay Somaliya ka fuliso

October, 17, 2019
Hay'adda isku xirka bulshada ee Turkiga ee loo ...

Raiisal wasaare Xasan Cali Kheyre oo ka hadley ujeedada safarkiisa Maraykanka

October, 16, 2019
Rasiisal wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa ka hadley ...

Taliye ka hadley sida RABI uga badbaadiyay isku day dil

October, 16, 2019
Sarkaal ka tirsan ciidanka booliiska ee magaalada dilka ...

Maamulka Muuse Biixi oo ka hadley ciidan ka goostey

October, 16, 2019
Maamulka Somaliland ee uu Ka taliyo horjooge Muuse ...

Qisada qoys Holandays ah oo been loogu sheegay aduunyo gadoon oo la helay

October, 16, 2019
Tuulo ku taala dalkaasi Holand ayaa laga badbaadiyay ...

Dhacdooyinka

Dawlada Yaman oo wacad ku martey inay garaacdo Abu-dabay

September, 19, 2019
Dawlada Yaman ee ay hogaanka u hayaan Xuutiyiinta ...

Muuse Biixi oo hooyooyinka u sheegay inay muruqa muujiyaan

September, 17, 2019
Horjoogaha maamulka Somaliland oo Burco Ka furtey garoob ...

Safaarada Somaliya ee Kiiniya oo beenisay war jirdila

September, 15, 2019
Safaarada Somaliya ku leedahay Kiiniya ayaa beenisay in ...

Fadhiga suuli dahab ka samaysan oo la xaday iyo qiimaha uu taagnaa

September, 14, 2019
Fadhiga Musqul dahab Ka samaysan oo uu farsameeyay ...

Diyaarad bad ku dul socota iyo baylood bun ka daatey maxaa dhacay kadib?

September, 13, 2019
Diyaarad rakaab badan sida ayaa Ka soo duushey ...

Haad markii ugu horeysay ilmo yar ku cuney ismaamulka Somali Galbeed

September, 10, 2019
Haad ama galaydh kolba sida Somalidu u taqaano ...

Gabdho maqaayad ku leh Burco oo qarka u saaran inay ka guuraan magaalada: WARBIXIN

September, 7, 2019
Dhawaan ayay ahayd markii maqaayada Warsan ee magaalada ...